Musharax u tartamayay madaxtinimada dalka Kolombiya oo la toogtey

Sunday June 08, 2025 - 20:06:23
hadhwanaagnews
Mr Nikwel oo da'diisa lagu sheegay 39 jir ....


 Musharaxa madaxtinimada ee dalka Kolobniya ee ka soo jeeda xisbiga CDP Mr Nikwel Urube ayaa toogasho lagu fuliyay isaga oo dad taageerayaashi ah khudbad u jeedinaya, iyada oo falkaasi ka dhacay goob ku taala caasimada dalkaasi ee Bogoota.

Ciidamada booliiska dalkaasi ayaa gacanta ku dhigay wiil yar oo dadiisa lagu sheegay 15 kaas oo lagu tuhunsan yahay in uu fuliyay toogashaadaasi kaas oo xiligan ku sugan xaalad adag iyada oo ay laba qof oo kalana ay halkaasi ku dhaawacmeen.

Mr Nikwel oo da’diisa lagu sheegay 39 jir ayaa loo saadaalinayay in uu ku guulestyo doorashada madaxtinimada dalkaasi oo qabsoomi doonta sanadka 2026 ka , isagoo ahaa musharaxa mucaaridka ugu awooda badan ee kasoo jeeda aqalka odayaasha ee dalkaasi.

Dhinaca kale madaxweynaha dalkaasi Gustoof Bidro ayaa dhaleecayn usoo jeediyay cidii ka danbaysay toogashada loo gaystay siyaasigaasi isagoo ku tilmaamay in talaabadaasi tahay xad gudb loo gaystay xasiloonida iyo dimoquraadiyada dalkiisa.
     
Loading...