DEG DEG M.Cirro Oo Safar Ku Tagaayo Dalka Qatar

Saturday June 28, 2025 - 07:23:06
hadhwanaagnews
Saraakiil sare sare oo ka tirsan aqalka Madaxtooyada JSL


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa MAANTA  ah safar shaqo ku tagaayo dalka Qatar oo uu ka helay martiqaad rasmi ah.

Saraakiil sare sare oo ka tirsan aqalka Madaxtooyada JSL  Madaxweynaha, ayaa la sheegay inuu la kulmi doono mas’uuliyiinta ugu sar saraysa wadanka Qatar halkaas oo ay labada dhinac ba ka wada hadli doonaan danaha iskaashi ee labada wadan.

Safarka Madaxweynaha oo maalmo kooban qaadan doona, ayaa waxa ku wehelin doona xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu noqon doonaa mid kor u qaada xidhiidhka labada wadan gaar iskaashiga dhinacyada horumarka.
     
Loading...