Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi,ayaa Farriin u diray Ganacsada Somaliland kuna boorriyay in ay dalka Maalgashadaan oo ay handidooda dalkooda galiyaankuna horumariyaan.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxaanu farta ku fiqay in loo baahan yahay in ganacsada dalku waliba in ay xooga saaraan wax soosaarka oo dhanka wax soo saarka ay maalshi muuqda ku sameeyaan.
Waxaa kale oo uu ka hadlay doorka nabad gelyadu ku leedahay horumarka iyo ganacsiga iyo hirgelinta mashaariicda dalka laga fulinayo.
Sidaasna waxa uu madaxwayne ku xigeenku ka sheegay hadal uu ka jeediyey munaasibad uu xadhigga kaga jaray Hoteel casri ah oo laga hirgaliyey magaalada Boorama, kaas oo uu maalgeliyay muwadin reer Somaliland ah, isla markaana loo bixiyay Safaari Resort Hotel.
Madaxwayne ku xigeenka ayaa xusay sida Marka dal ama deegaan uu nabad yahay, ay u fududaato in la helo maalgashi gudaha iyo mid caalami ah isagoo carabka ku dhuftay sida nabadu fursad u siiso ganacsiyada yar yar iyo kuwa waaweyn.
”Waxan ognahay nabadgalyo la,aanteed in aan waxba laqaban karin, waxa adkaanaysa in la samaysto ganacsiyo yar yar iyo kuwo waaweyn, nabad galyo cidda maanta garanaysa Somaliland, ee dhadhamisay macaankeedu waa reer Ceel-afwayn, waxaan ALLE uga baryayaa in uu nabadaa u sugo kuna guuleeyo” Madaxwayne ku xigeenka JSL ayaa sidaas yidhi.
Madaxweyne-ku-xigenka ayaa ku hambalyeeyay Ganacsadaha iyo mulkiilha Hoteel ka dalkiisa ku Maal-gashaday hantida intaa leeg Cabdi Naas, isaga oo ballan qaaday in Xukuumadda Somaliland ay door weyn ka qaadan doonto dhiirri-gelinta ganacsiga iyo maal-gashiga guud ee dalka.
"Horumarkaasi iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda ama ka hirgalay wax sababay waa nabadda” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka JSL.
Geesta kale Madaxwane ku xigeenka Somaliland ayaa ganacsatada dalka ugu baaqay in ay ku dhiiradaan maalgashiga dalka isla markaana ay ku dedaalaan dhinaca wax soo saarka waxana uu yidhi.”Ganacsatada Somaliland Meel kasta oo ay joogaan waxan ku boorrinayaa in ay maal gashadaan dalka, oo weliba ay ku dedaalaan wax soosaarka”.
Gabogabadii Nabada ayaa ah fududeysa in dowladdu gaadhsiiso dadweynaha adeegyada muhiimka u ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo korontada, balse Meelaha aanay nabaddu ka jirin, adeegyadaas waxay noqdaan kuwo xadidan ama gebi ahaanba baaba’a.