Wasiir wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis oo in muddo ah safar shaqo ugu maqnaa dalal ku yaalla qaaradda Yurub ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Wasiir Yoonis Axmed Yoonis waxa qaybta VIP-da ee madaarka Cigaal International Airport ku soo dhaweeyay agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Md. Maxamed Cabdi Xaashi iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda Caddaaladda JSL.
Safarka wasiirka oo ahaa mid rasmi ah ayaa waxa ka soo baxay arrimo wax-ku-ool ah oo muhiimmad gaar ah u leh Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan iskaashiga dalalka ay booqdeen iyo dalka Somaliland.
Wasiir wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis waxa safarkiisa ku wehelinayay wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Md. Axmed Yaasiin Maxamed.