Socdaalkii dhowaan uu Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan, ku tegay Gobolka Sanaag ayaa si qoto dheer u iftiimiyay sida xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda deegaanka ay ugu go’antahay ilaalinta iyo badbaadada deegaanka, safarkaasi oo si gaar ah diiradda loogu saaray wax ka qabasghada dhibaatooyinka ka dhashay dabkii baaxadda lahaa ee ka kacay buuraleyda Daalo, kaas oo si xawli ah ugu fiday deegaannada muhiimka ah ee Xero Mooli, Gol Dhiig, Xidhxidh iyo Gaacidh.
Dabkaasi wuxuu ahaa dhacdo culus oo si cad u muujinaysa heerka khatarta deegaanka iyo baahida degdegga ah ee loo qabo agab iyo hannaan wax-ku-ool ah oo lagula tacaalo musiibadan halakaysay buurta Daalo oo ah goob dalxiiseedka ugu caansan Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland, Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan, ayaa si degdeg ah uga falceliyay baahida loo qabay agabka lagama maarmaanka u ah la tacaalidda masiibadii dabka ee halista ku haysay deegaanka iyo nolosha bulshada. Wasiirku waxa uu si rasmi ah agab muhiim ah ugu wareejiyay Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka ee gobolka, si loogu isticmaalo ka hortagga iyo xakamaynta dababka deegaanka.
Agabkan cusub ayaa loogu talagalay in wax lagaga qabto masiibada dabka oo ku soo noqnoqotay gobolka Sanaag iyo buularayda Daalo, kuwaas oo burbur weyn u geystay kaymaha, dhirta, iyo deegaanada dabiiciga ah. Tallaabadan wax ku oolka ah waxay caddeyn u tahay sida Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladu ay uga go’antahay ilaalinta deegaanka, iyada oo adeegsanaysa farsamooyin casri ah iyo agab ku habboon xaaladaha degdegga ah.
Wasiirka iyo waftigiisa ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta gobolka iyo bulshada deegaanka, iyaga oo ka wada hadlay tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo la-dagaallanka dababka, iyo sidii loo horumarin lahaa qorsheyaal difaac iyo dib-u-dhis deegaan oo waxtar leh.
Tani waa mid ka mid ah tallaabooyinka cad cad ee muujinaya sida dawladda Somaliland ay uga go’an tahay ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo badbaadinta bulshadeeda, iyada oo ka jawaabaysa baahiyaha degdegga ah ee ka dhashay musiibooyinka dabiiciga ah.
Sidoo kale, Wasiir Cabdillaahi Jaamac Cismaan waxa uu kulamo toos ah la yeeshay bulshada deegaanka, isaga oo warbixino dhab ah ka helay dadka ay dhibaatadu sida tooska ah u saameysay, waana tallaabo muujinaysa hoggaan togan oo ku saleysan xog-ogaalnimo iyo masuuliyad qaran.
Socdaalkani ma ahayn oo keliya mid qiimayn ah, balse sidoo kale waxa uu ahaa jawaab cad oo ay xukuumaddu ka bixisa gurmadka masiibadaasi, iyadoo agab wax-ka-qabasho degdeg ah lagu wareejiyay masuuliyiinta gobolka, laguna dhiirrigeliyay qorshayaal wadareed oo lagula tacaalo dababka iyo burburka deegaanka. Tani waxay muujinaysaa in jawaabta dowladda ee dhibaatooyinka deegaanka ay hadda salka ku hayso qorshe waddaniyad ku dhisan, isla markaana ku wajahan difaaca dhaxalka dabiiciga ah ee Somaliland.
Wasaaradda Deegaanku waxay muujisay in ay tahay hay’ad dawladeed oo leh aragti istiraatiji ah iyo awood waxqabad oo muuqata. Kormeerka tooska ah ee uu wasiirku ku sameeyay goobihii waxyeelladu gaadhay ayaa lagu daray tallaabooyinka wax-ku-ool ah. Waxaa xusid mudan in wafdiga wasiirka ay weheliyeen mas’uuliyiin sare oo ka kala socday wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Gaashaandhigga, iyo maamulka gobolka, taasoo muujinaysa isku-xidhnaan ballaadhan oo heer qaran ah.
Jawaabta dowladdu waxay noqotay mid isku dhafan (multi-sectoral response), iyada oo iskaashi lala sameeyay hay’adaha deegaanka, caafimaadka, ammaanka, maamulka gobolka, iyo shacabka deegaanka laftiisa. Hab-dhaqankani wuxuu dhidibada u taagayaa hannaan lagu maarayn karo masiibooyinka oo casri ah, kana turjumaya waajibaadka dowladnimo ee ilaalinta deegaanka.