S/guuto Cabdirisaaq Af guduud Abaanduullaha Ciidanka
Ciidanka Qaranka Jsl ayaa markii ugu horeysay yeelan doona Goob weyn oo (Hall) ah taasi oo loogu talo galay Xafladdaha, dabaal degyada iyo Munaasibaddaha kala duwan.
S/guuto Cabdirisaaq Af guduud Abaanduullaha Ciidanka Qaran oo maanta dhagax dhigay Hall-kaasi ayaa sheegay in ay Faa’ido weyn u yeelan doonto ciidanka.
Hore ayaa waxa Hall-kan u samaystay Ciidanka Booliska xiligii uu joogay Taliyihii hore General Dabagale kaasi oo baddi xafladdaha, Xil wareejinaha iyo Munaasibaddaha kala duwan ee Dawladdu ay hadda ka dhacaan Goobtaasi.