Waxaanu yidhi."Taageerada UK waxay noo suurtogelisay inaan gaadhno
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Safiirka Dawladda Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador Charles King, iyo wafdi uu hoggaaminayo, xarunta cusub ee Maareynta Qashinka Qoyan oo ay wakaaladdu ka hirgelisay gudaha magaalada Hargeysa.
Xaruntan, oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo caasimadda, ayaa si weyn uga caawin doonta magaalada Hargeysa, sidii kor loogu qaadi lahaa nadaafadda deegaanka iyo tayada biyaha.
Dhismaha xaruntan waxa si toos ah uga taageertay Dawladda Jarmalka, taas oo qayb ka ahayd iskaashi ballaadhan oo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee biyaha iyo fayadhawrka.
Maareeye Maxamed Cali Daarood ayaa safiirka iyo wefdigiisa uga warbixiyay guulaha la taaban karo ee laga gaadhay horumarinta kaabayaasha biyaha ee Hargeysa, isaga oo si gaar ah uga mahadceliyay kaalinta ay dawladda UK ka qaadatay wajigii koowaad ee mashruuca biyo-gelinta, kaasi oo bulshada Hargeysa u suurto geliyay in markii ugu horreysay ay helaan biyo nadiif ah.
Waxaanu yidhi."Taageerada UK waxay noo suurtogelisay inaan gaadhno horumar la taaban karo, waxaanan si gaar ah ugu mahadnaqayaa doorkii ay ku lahaayeen wajigii koowaad ee mashruuca biyo-gelinta oo nolol cusub u horseeday kumannaan qoys oo Hargeysa ku nool,”
Maareeye Daarood wuxuu sidoo kale xusay in khibradaha iyo maalgelinta ay ka heleen UK iyo deeq-bixiyeyaasha kale ay u suurto gelisay in Wakaaladda Biyuhu noqoto mid ka mid ah hay’adaha dowladeed ee ugu casrisan dalka Somaliland, taasoo tusaale u ah sida iskaashi caalami ahi u dhali karo natiijooyin waara.
Dhinaciisa, Ambassador Charles King ayaa si weyn u bogaadiyay shaqada ballaadhan ee ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa qabato, isagoo xusay in uu si weyn ugu faraxsan yahay inuu markhaati ka noqdo mashruuca nadaafadda ee xarunta qashinka qoyan mashruuc uu ku tilmaamay "mid taariikhi ah” oo markii ugu horreysay laga hirgeliyo Somaliland.
Waxaanu yidhi."Waa wax lagu farxo in la arko in taageeradii dowladda UK ay ka midho dhaleyso.
Waxaan si gaar ah u ammaanayaa shaqada Wakaaladda iyo sida ay u maareyso mashaariicdan muhiimka ah ee saamaynta leh,”
Safiirka ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan iskaashiga dhinaca horumarinta, gaar ahaan mashaariicda taabanaya nolosha dadweynaha sida biyaha, fayadhawrka iyo caafimaadka deegaanka.
Gaba-gabadii kulankan iyo booqashadan ayaa noqonaysa mid sii xoojinaysa xidhiidhka horumarineed ee u dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Ingiriiska, iyadoo muujinaysa sida mashruucyada is-kaashigu u horseedi karaan isbeddel dhab ah oo nolosha bulshada ah.