Madaxweyne Xigeenka S/land oo u soo xidhay tababar iyo aqoon is weydaarsi loo qabtay Madaxda cusub ee hay'addaha madaxa banana ee Dowladda

Sunday August 17, 2025 - 19:58:03
hadhwanaagnews
"Maanta halkani waxa aan u imi in aan idinla dardaarmo, waxa aad haysaan...

 

May be an image of 5 people and dais

Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay tababar iyo aqoon isweydaarsi socday muddo laba maalmood ah kaas oo loo qabtay Madaxda cusub ee Hay’addaha madaxa bannaan ee Dawladda JSL.

Tababarkan ayaa ahaa mid muhiimad weyn u lahaa dib u-habeynta Hay’addaha Qaranka, Horumarinta wadda shaqeynta hufan ee dhexdooda iyo xoojinta Maamul wanaaga.

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo soo xidhay tababarkaasi ayaa si weyn ula dardaarmay Masuuliyiinta tababarka loo qabtay waxana uu yidhi:

"Maanta halkani waxa aan u imi in aan idinla dardaarmo, waxa aad haysaan Masuuliyad culus oo u baahan in loo guto sida ugu wanaagsan, xilkanina idinka ayaa soo doontay oo si aad u heshaan albaab kasta garacay, markaasi waxa loo baahan yahay in masuuliyada aad qaadeen aad sideeda uga soo bahdaan. Wixii halkani la idiinku sheegay waa in aad maankiina la kaashataan oo aad weelaysaan. Waar waa la idin xisaabin doona, ummada innaga ayaa masuuliyadda u qaaday, markaasi waa in aan si hufan loogu shaqeeyaa.” ayuu yidhi .

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay Sharciga la tiigsan doonto ciddii lagu qabto in ay ku kacdo falal la xidhiidha musuq-maasuqa."

May be an image of 2 people, dais and text
May be an image of 10 people, dais and text
May be an image of 7 people and dais
May be an image of 8 people and text
May be an image of 6 people, table, lighting and dais
May be an image of 3 people, lighting, table and dais

     
Loading...