Sheekh Waqas Akram, xoghayaha warfaafinta xisbiga PTI
Ugu yaraan 32 qof, oo ay ku jiraan 16 carruur ah, ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay gudaha Pakistan 36-kii saac ee ugu dambeeyay.
Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa 18 qof oo isku qoys ahaa, kuwaas oo dalxiis uga yimid gobolka Punjab.
Qoyskaasi ayaa ku go’doomay biyaha webiga Swat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa, kadib markii daadad degdeg ah ku dhufteen goobtii ay dalxiiska u joogeen.
Muuqaallo laga duubay qoyska oo ku xayirmay dhul yar oo ay biyuhu go’doomiyeen, una muuqday kuwo naawilaya badbaado, ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada. Taas oo dhalisay cadho xooggan oo lagaga soo horjeedo maamulka gobolka oo lagu eedeeyay in uu ka daahay gurmadkooda.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in qoyskaasi uu in ka badan saacad ku sugnaa goob halis ah oo uu daadku si tartiib tartiib ah ugu soo korayay, iyadoo aanu jirin wax gurmad ah oo la soo gaadhsiiyay waqtigaas.
Qoyska ayaa la sheegay inay u joogeen goobta si ay u quraacdaan, carruurta qaarna ay sawirro ka qaadanayeen meel u dhow webiga, taas oo sababtay in waalidiintu ay biyaha u galaan si ay carruurta u badbaadiyaan.
Sheekh Waqas Akram, xoghayaha warfaafinta xisbiga PTI ee uu horay u hoggaamin jiray ra’iisul wasaarihii hore ee Imran Khan, ayaa sheegay in afar mas’uul oo sare oo ka tirsan maamulka Swat iyo waaxyaha gurmadka degdegga ah shaqada laga joojiyay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Wasiirka Koowaad ee gobolka, Cali Amin Gandapur, uu amar ku bixiyay in baadhitaan degdeg ah la sameeyo, iyadoo la sugayo warbixin toddobaad gudihiis. "Gobolku wuxuu qabtay kulan ku saabsan daadadka degdegga ah 21-kii Juun,” ayuu Akram u sheegay wargeyska The Guardian.
"Digniino ayaan soo saarnay, kadibna waxaan ku shaacinay masaajidda si dadka loo wargeliyo, loogana digtoonaado u dhawaanshaha webiga.” Wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan 71 qof lagu dacweeyay kadib markii ay jabiyeen digniintii dowladda.
Akram ayaa sheegay in 17 qof ay daadadku ku qaadeen gudaha webiga Swat, iyadoo la helay maydadka 12 xubnood oo ka tirsan qoyska, midna weli la la’yahay.
Afar qof ayaa la badbaadiyay, halka saddex kalena ay weli maqan yihiin, waxaana socda dadaallo gurmad oo ay wadaan hay’adaha dowladda.
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Gobolka (PDMA) ayaa kadib soo saartay digniin cusub, iyadoo sheegtay in heerka daadadka ay sare u kaceen, shacabkana laga rabo feejignaan dheeraad ah.
Waxaa xusid mudan in Pakistan, oo ay ku nool yihiin 240 milyan oo qof, ay ka mid tahay dalalka ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada.
Daadadkii roobabkii 2022 ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,700 qof, iyagoo si toos ah u saameeyay in ka badan 33 milyan oo qof.
Dhacdadan murugada leh ayaa dhalisay dood xooggan oo ku saabsan kaalinta dowladaha hoose iyo maamulka gobollada ee ka hortagga masiibooyinka, wacyigelinta dalxiisayaasha, iyadoo sidoo kale loo jeediyay eedeymo musuqmaasuq iyo karti-darro hay’adaha dowladda.
Wasiiraddii hore ee isbeddelka cimilada Pakistan, Sherry Rehman, ayaa si adag u dhaliishay dowladda, iyadoo sheegtay in aysan jirin abaabul wanaagsan oo lagu wajahayo musiibooyinka cimilada. Waxay tidhi: "Dowladdu waxay dayacday adeegyada. PDMA waxay ahayd inay adeegsato helikobtar si ay u badbaadiso qoyska biyuhu go’doomiyeen. Waa gaf weyn in aysan taas samayn."
Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa si kulul u canbaareeyay dowladda, iyagoo sheegay in qoyskaasi saacad ka badan sugayay gurmad, balse aanay jirin cid u timid.