WAR CUSUB: 450 Qoys Oo Barakacayaal Ah Oo La Gaadhsiiyay Gargaar Raashin

Wednesday May 06, 2026 - 08:53:29
hadhwanaagnews
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta,...



Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Somaliland ayaa maanta deeq raashin ah gaadhsiisay 450 qoys oo barakacayaal ah, kuwaas oo dhawaan laga raray goob ay si ku-meel-gaadh ah u degganaayeen.


Dib-u-dejinta qoysaskan ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda iyo dawladda hoose, halka raashinka la qaybiyey uu ka yimid Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka iyo Aafooyinka Dabiiciga ah.


Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta, Agaasimaha Guud, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex iyo Guddoomiyaha Degmada Axmed Macallin Haaruun ayaa sheegay in qoysaskan loo raray dhul ku habboon noloshooda, isla markaana leh fursado iyo adeegyo ka wanaagsan kuwii hore.


Sidoo kale, qaybinta raashinkan ayaa timid kadib markii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Cali Aw Cabdi, uu faray hay’adaha dowladda inay si degdeg ah u gaadhsiiyaan dadka barakacayaasha ah adeegyada iyo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha.

     
Loading...