Ujeedada Safarka M.cirro ee dalka QATAR

Sunday June 29, 2025 - 08:20:14
hadhwanaagnews
Safarka Madaxweynuhu waxa uu ka tarjumayaa aragti siyaasadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, isaga oo marti-qaad rasmi ah ka helay Dawladda Qatar. Iyada oo Booqashada rasmiga ah ee uu madaxweynuhu ku tagay magaalada Dooxa, ay noqonayso tii ugu horreysay ee noocaas ah oo uu Madaxweyne Somaliland ahi ku tago dalkaasi, taas oo calaamad u ah kobaca iyo isbeddelka muuqda ee siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland.

Wargeyska Dawan ayaa falanqayn iyo warbixin qoto dheer ka diyaariyay muhiimadda safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Qatar, safarkaas oo ah mid xambaarsan ujeeddooyin istiraatijiyadeed, diblomaasiyadeed, iyo kuwo dhaqaale oo muhiim u ah mustaqbalka qaranka Somaliland.

Safarka Madaxweynuhu waxa uu ka tarjumayaa aragti siyaasadeed oo qoto dheer oo ku saleysan furfurnaan, is-dhexgal caalami ah, iyo raadinta iskaashi horumarineed oo salka ku haya danaha qaranka Somaliland. Wefdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha waxa ay la kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa Qatar, si ay uga wada hadlaan amniga gobolka, xasilloonida marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo iskaashiga dhaqaale iyo bulsho ee labada dal.

In Madaxweynaha Jamhuuruyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu doorto booqashada diblumaasiyadeed ee dalka Qatar waxay tilmaamaysaa muhiimadda uu siinayo is-weydaarsiga istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Iyada oo Qatar ay door muuqda ku leedahay arrimaha dhaqaale, maalgashiga iyo kaabayaasha gobolka, tallaabadaas ayaa horseed u noqon karta jid cusub oo qarankani ku gaadho xaqiijinta himiladiisa.

Sidoo kale, in Madaxweynaha Somaliland ay safarkiisa ku weheliyaan wefti heerkiisu sarreeyo, waxa ay muujinaysaa sida safarkani u yahay mid xeel dheer oo qorsheysan. Tani ma aha safar sawir-qaadis ah, balse waa hawlgal diblomaasiyadeed oo miisaan culus leh.

Siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweynaha Jamhuuruyadda Somaliland ayaa ah mid ku dhisan xoojinta xidhiidho diblumaasiyadeed oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadaya sumcadda qaranka, islamarkaana albaabo cusub u furaya arrimaha dhaqaalaha, ganacsigai, maalgashiga iyo taageerada qadiyadda JSL.

Booqashadan Qatar waxa ay tusaale fiican u tahay sida loo dardargelin karo siyaasadda arrimaha dibedda iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida iyo maslaxadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, booqashadan oo kale maaha oo keliya arrin dhanka diblomaasiyadda ah, waa farriin cad oo ay Somaliland u dirayso caalamka, taas oo ah in ay diyaar u tahay in ay kaalin muuqata ka qaadato arrimaha gobolka, in ay leedahay aragti mustaqbal, iyo in ay mudan tahay in loola dhaqmo sidii dawlad madax-bannaan oo mas’uuliyad leh. Somaliland waa inay ka faa’iidaysataa fursaddan, oo ay u beddeshaa hadaf siyaasadeed oo xoojiya qaddiyaddeeda caalamiga ah.
     
Loading...