Maxaad Kala Socotaa Yeedhista Madax-Weyne Cirro Ee Qatar (Abdi-Shotaly)..

Sunday June 29, 2025 - 12:00:47
hadhwanaagnews
Ma saxbaa in somaliland iibsato ictiraafkeeda ?

Waatan xaqiiq-du ee dhamayso qoraalkan.
Akhristaw waxa jira " Shir caalamiya " oo lagu qabanaayo dalka Qatar kuna saabsan dagaalka Gasa iyo israaa'iiil,
Oo Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro ka qeyb gelaayo .

Hadaba Tegi-taanka Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro ee dalka Qatar.
Maxaa u sabab ah ujeedada Qatar ugu yeedhay madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro eecay daaran tahay?

UAE iyo Qatar
Oo ku heshiiyay in ay Israa'iil iyo reer Gasa dagaalka soo afjaraan,
Oo loo yeedho madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro
Si loo-gala hadlo
In qeyb ka mid ah dadka reer Gasa Somaliland loo soo qaxiyo .
Inta Gasa la dhisaayo . Ogaw-se waa baro kicin
[Reer Gasa dib ugu noqon maayaan Gasa hadii laga dhoofiyo dhul-kooda).

Hadii ay Somaliland ogolaato in reer ( filimaayo taas) Gasa loo soo qaxiyo,
In ay israa'iil ictiraafto Somaliland una ololeyso ,
Sidii Somaliland beesha caalamka u ictiraafi lahayd iyo saaxiibada israa'iil aduunka ku leedahay.

Somaliland-na in ay israa'iil ictiraafto oo aqoonsato oo xidhiidh siyaasadeed la yeelato iyo dhaqaale, israa'iil waxay ka mid ahayd dalalkii aqoonsaday Somaliland 26/06/1960 -gii.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in uu amar iyo awood madaxweyne ku aqoonsado Somaliland.

Dadka Falastiiniyiinta ahi Somaliland ma ku noolaan karayaan, iyaga oo aan isku midab iyo Af -toona ahayn oo qaxootiya, iyaka oo Muslim iyo gaalo-ba keh, iyaka oo aan waxba ku soo kordhin karayn shacabka iyo dalka Somaliland?
Ma saxbaa in somaliland iibsato ictiraafkeeda ?
Waa maxay maal-gashiga ama dhaqaalaha dalka UAE iyo Qatar ay siinayaan Somaliland?
Iyo su'aalo badan oo kale
oo Isweydiin iyo jawaabo u baahan.
Hadii ay Somaliland diido codsigan dalka UAE iyo Qatar iyo US oo iswata,
Maxaa Somaliland ka soo gaadhaaya? Ama kala kulmi kartaa?
*N.B Nin-ba Tamartii Talloy Kaa Maal.
Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...