Xukuumadda Somaliland oo Trump Ku Tilmaantay Madaxweyne ku Dhac Leh oo Aqoonsi siin kara

Saturday January 25, 2025 - 14:08:19
Hadhwanaag
Waxaanu yidhi . "Donald Trump oo run sheeg ah, ku dhac...

May be an image of 2 people, dais and text


Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump uu yahay nin ku dhiiran kara in uu aqoonsi siiyo.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Cali Ayaale, ayaa sheegay in Trump ay ka rajaynayaa in uu Somaliland aqoonsado, taasina ay suuragal ka dhigi karto in isbadal fiicani uu gobolka ka dhaco.

Waxaanu yidhi . "Donald Trump oo run sheeg ah, ku dhac leh ayaa Maraykankii qabsaday, waxaan leenahay ku dhiiro, aan danaha is dhaafsano, aqoonsiga Somaliland ku dhawaaq dunidana isbal ayaa ka dhacaya markaa"

Bilihii u danbeeyay waxa warbaahinta qabsaday in Maraynkanku uu Somaliland u aqoonsan doono dal gaar ah marka uu Trump xukunka yimaado, rajadaas oo ay qabaan shacabka Somliland iyo siyaasiyiin Somaliland taageera oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee hada talada la wareegay.

Inkasta oo aan laga warhayn talaabooyinka uu Trump qaadi doono, hadana waxa jira dadaalo ka socda Golaha Wakiilada Maraykanka oo guddiyo iyo xildhibaano ay ku doonayaan in Washington ay xidhiidh toos ah kula yeelato Hargeysa.

     
Loading...