1. Sugidda Ammaanka Qaranka:
Mudooyinkii ugu dambeeyey, waxaa gobollada Bariga Somaliland ka socday dadaalo ay waday xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminaayey Madaxwayne ku-Xigeenka Somaliland, Runtii waa dadaal wax ku ool ah oo mudan in la hambalyeeyo, Xukuumaduna waxay ku talaabsatay qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, waana balanqaad ay sameysay wakhtigii ololaha.
Qarameynta ciidanka madaniga ah waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo amniga, horumarka iyo xasilooni bulshada. Ciidamada Madaniga ahi waxay leeyihiin dhibaatooyin aad u badan, waana ciidan ku abaabulmay duruufo deegaan oo colaadi sababtay.
Haddaba; Qaramaynta Ciidanka madaniga ahi waxay leedahay faa'iidooyin badan oo muhiim ah oo ku saabsan sugidda amniga qaranka iyo horumarinta bulshada. Halkan waxaa ku soo koobay qaar ka mid ah faa'iidooyinka ugu muhiimsan ee aynu ka helayno qarameynta ciidanka madaniga ah:
Faa'iidooyinka Qarameynta Ciidanka Madaniga ah:
1. Sugidda Ammaanka Qaranka:
- Ciidanka qarameysan waxay awood u leeyihiin inay si habsami leh uga jawaabaan halisaha amni ee gudaha iyo dibadda dalka. Tani waxay ka hortagtaa amni darro iyo khataraha soo food saari kara qaranka.
2. Kor u Qaadida Sharafta Qaranka:
- Ciidamo qarameysan oo sumcad leh waxay kordhiyaan sharafta iyo haybadda qaranka ee caalamka oo dhan. Tani waxay keentaa in dalalka kale ay ku kalsoonaadaan dalka oo ay la yeeshaan xiriir dhow oo dhanka ammaanka iyo siyaasadda.
3. Kor u Qaadida Kalsoonida Hay’adaha Dawlada:
- Ciidamo qarameysan oo leh anshax iyo hufnaan ayaa kordhiya kalsoonida dadweynaha ee hay'adaha dowliga ah. Dadku waxay dareemaan ammaan iyo kalsooni markay ogaadaan in ciidamadu ay u adeegayaan danta guud ee qaranka.
4. Horumarinta Anshaxa iyo la dagaalanka Masuqmaasuqa:
- Ciidamo qarameysan waxay ka caawiyaan horumarinta anshaxa iyo maamulka gudaha, taasoo keenta in laga fogaado musuqmaasuqa iyo falalka xunxun ee aan wanaagsanayn.
5. Taageerida Horumarinta Bulshada:
- Ciidanka qarameysan waxay kaalin weyn ka qaataan horumarinta bulshada iyagoo ka shaqeynaya mashaariicda horumarineed sida dhismaha wadooyinka, iskuulada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
6. Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha:
- Ciidamo qarameysan waxay ku dadaalaan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista sharciga iyo nidaamka gudaha dalka. Tani waxay ka hortagtaa ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo dembiyada dagaalka.
7. Abuurista Shaqooyin iyo Fursado Ganacsi:
- Ciidamo qarameysan waxay abuuri Karan shaqooyin iyo fursado kala duwan oo dhalinyarada iyo bulshooyinka kalaba u saamixi Kara in noloshooda maareeyaan. Taasina waxay yaraynaysaa shaqo la'aanta iyo saboolnimadda.
8. Wada Shaqeynta Hay’adaha Dawlada:
- Ciidamo qarameysan waxay fududeeyaan wada shaqeynta iyo isuduwidda hay'adaha dawliga ah si loo xaqiijiyo fulinta siyaasadaha iyo qorshayaasha qaranka.
9. Ka Hortagga Colaadaha iyo Khilaafaadka:
- Ciidamo qarameysan waxay ka hortagaan colaadaha iyo khilaafaadka beelaha iyadoo la hubinayo in ciidamada ay yihiin kuwo u adeegaya danta guud ee qaranka, halkii loo adeegsan lahaa dano gaar ah oo qabiilaysan ama kooxaysan. Colaaduhu waxay saameeyaan horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo dimuqraadiyadda.