Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu yahay mid la xidhiidha iskaashi ku qotoma dan wadaag ah.

Monday April 28, 2025 - 12:30:06
hadhwanaagnews
Wasiirka Arrimaha dibaddu wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda ...


Wasiirka Wasaaradds Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in madaxbannaanida Somaliland ay la xidhiidho xoriyad taariikhi ah xasilooni iyo dumuqraaddiyad ay kaga duwan tahay dalalka kale ee mandaqada Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu yahay mid la xidhiidha iskaashi ku qotoma dan wadaag ah.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay Tifaftiraha guud ee warbaahinta The Daily Euro Times, Gus Anderson oo dhawaan dalka yimi, waxaannu waraysigaasi oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, kaga hadlay arrimo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, xaaladda hirdanka Geeska Afrika, iyo xidhiidhka Bariga dhexe.

Wasiirka Arrimaha dibaddu wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dawladnimadeedu ka dhalatay xornimo soojireen ah oo ay qaadatay sannadkii 1960kii, kadibna ay si iskeed ah ula midowday Soomaaliya, midowgaas oo fashilmay kuna dhammaaday hungo.

Wasiirku wuxuu sharraxay in Somaliland leedahay siyaasad ay masaalixdeeda ku raadsanayso, iyadoo aanay dawlado dibadeed wax u yeedhinaynin.

Wasiirka Arrimaha dibadda oo la weydiiyay su’aal ahayd in iskaashiga Somaliland iyo Taiwan uu ku jiro mid la xidhiidha dhinaca badda; wuxuu caddeeyay in cilaaqaadka labada dal uu ku binaysan yahay wax wada qabsi, dimuqraaddiyad iyo horumar nabadeed.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan wuxuu xusay in iskaashiga dhinaca badda ee Somaliland iyo Taiwan uu ku wajahan yahay
badbaadinta ganacsiga, la dagaallanka budhcad-badeedda, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxaannu ku dooday in Geeska Afrika u baahan yahay xasillooni iskaashigaasna aanu ahayn tartan hubeysan oo cusub.

Wasiirka khaarajiga oo la weydiiyay in Shiinaha oo si dadban u taageera maleeshiyaadka bariga Sool iyo inay ka walaacsan yihiin waxa ka dhalan kara iskaashiga dhinaca badda ee Taiwan, wuxuu carabka ku dhuftay in Somaliland ay la socoto xeeladaha siyaasaddeed ee Shiinaha. Waxa kaloo uu bayaamiyay in Jamhuuriyadda Somaliland aanay weligeed madaxbanbaanideeda ku iibsan si ay u hesho maalgashi muddo kooban ah.
Wasiirku wuxuu ku celiyay in iskaashiga Somaliland iyo Taiwan uu ku sallaysan yahay danaha labada dal.
Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo la weydiiyay booqashadiisii dhawaan uu ku tagay Maraykanka; nooca fariinta uu kala hadlay xildhibaannada baarlamaanka ee xisbiga Jamhuuriga, waxa uu xaqiijiyay inuu uga warramay in Somaliland tahay dal dimuqraadi ah oo amnigiisa sugtay, oo qabsaday doorashooyin, islamarkaana maamula kaabeyaashiisa dhaqaalaha iyadoo aanay jirin kaalmo shisheeye iyo aqoonsiba.
Wasiirku wuxuu daboolka ka qaaday inuu Maraykanka u caddeeyay in Somaliland tahay dal xukuma soohdimihiisa oo xasilooni ku ilaaliyay mandaqad xasarado badan.

"Berbera waxa ay si buuxda ugu jirtaa gacanta dawladda Somaliland, cid kasta oo doonaysa in ay kala xaajooto arrimaheeda waa in ay la hadashaa Hargeysa, ee ma aha Muqdisho,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in warqadii Madaxweynaha Soomaaliya uu Maraykanka ugu bandhigay dekedda Berbera aanay ka jawaabin Maraykanku oo aanay wax macne ah yeellan warqadaasi.
Wasiirka oo ka hadlayay dhinaca amniga dalka wuxuu sheegay in Somaliland ay marka horeba gudoonsatay inay nabadgelyadeeda ilaashato. wuxuuna tilmaamay in xeebaha Somaliland ay yihiin qaar ka caagan budhcad baddeeda ku soo fidaysa xeebaha dalalka kale.

Wasiirka Arrimaha dibadda oo la weydiiyay in ay Somaliland ka mid tahay dalal laga hadlay qorshihii Madaxweyne Trump ee Qasa lagaga soo raray dadka reer Falastiin ee la doonayo in laga soo dejiyo Afrika, waxa Wasiirku iftiimiyay in aanay Somaliland aqoonsi ku beddelanayn baro-kicin.

Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland soo dhaweynayso wada hadal kasta oo nabad lagu gaadhayo oo ay yeeshanaan daneeyeyaasha caalamiga ahi ee lagu furdaaminayo arrintaas beriga dhexe.
     
Loading...