Warbaahinta Oilprice ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay in ay tahay xidig cusub oo dunida u soo biiray, isla markaana si isa soo taraysa saamayn weyn ugu yeelanaya caalamka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, khayraadka dihin ee shidaalka iyo arrimaha ammaanka Maraykanka.
Oilprice oo si weyn uga faaloota arrimaha khayraadka shidaalka iyo saliidda, waxa kale oo ay sheegtay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu si xawli ah u muuqanayo doorka muhiimka ah ee istaraatiijiyadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca siyaasadeed, shidaal iyo difaaca Maraykanka, xili ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha bariga dhexe.
"Waxaa si xawli ah u soo baxaya in Somaliland ay tahay meel istaraatiijiyadeed oo muhiim ah oo la xidhiidha siyaasadda, shidaalka iyo difaaca Mareykanka, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha Bariga Dhexe iyo saameynta sii xoogaysanaysa ee Shiinaha,” ayaa lagu yidhi warbixinta Oilprice.
Sidoo kale, waxa warbixintu sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si weyn u kasbanayso indhaha Maraykanka, waxaana lagu yidhi "Somaliland oo ah dawlad madax-bannaan, laakiin aannu weli caalamku aqoonsan, ayaa si isdaba-joog ah u kasbanaysa indhaha Mareykanka, iyada oo leh degganaansho siyaasadeed, dhul istiraatiiji ah oo u dhow marinnada muhiimka ah ee maraakiibta caalamka, iyo khayraad dabiici ah oo aan wali la taaban.”
Iyada oo ay jiraan hubaal la’aan ka dhalatay khataraha ka iman kara marin-biyoodka Hormuz iyo marinnada maraakiibta Badda Cas oo muhiim u ah qulqulka saliidda caalamiga ah, waxa jira ciyaaryahan (Somaliland) aan aad loo aqoon balse istiraatijiyad ahaan muhiim ah, kaas oo bilaabay in uu soo jiito indhaha caalamka.”
Somaliland: Xiddigga cusub ee aan la aqoonsaneyn:
"Iyada oo xaaladdaha ammaanka ee Barige Dhexe ay aad u murugsan tahay, Somaliland ayaa si lama filaan ah u soo baxday. Iyada oo warbixinihii ugu dambeeyay ay muujinayaan in Somaliland loo arko lammaane milatari oo la isku halleyn karo, in kasta oo aan si rasmi ah loo aqoonsan,” ayaa lagu yidhi warbixinta Oilprice, waxaanay intaasi raacisay "Qorshaha siyaasadeed ee la yidhaahdo Project 2025, oo ay gadhwadeen ka yihiin siyaasiyiin ku dhow-dhow maamulka Trump, ayaa si toos ah u soo jeedinaya in Somaliland la aqoonsadom si loola tartamo saameynta sii kordheysa ee Shiinaha.”
Berbera iyo Maalgashiga Khaliijka: Saameyn Siyaasadeed iyo Dhaqaale
Warbixinta ayaa sidoo kale sharraxaad ka bixisay maalgashiga ballaadhan ee dawladda Imaaraadka Carabtu ku samaysay dekedda Berbera waxaanay tidhi "Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa iyaduna qeyb weyn ku leh isbeddelkaas, iyada oo shirkadda DP World ku maalgelisay in ka badan $400 milyan horumarinta dekedda Berbera iyo dhismaha waddo isku xidhta Berbera iyo Itoobiya.”
Fursadda Saliidda Somaliland:
Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay leedahay khayraad dabiici ah oo aad u weyn, kaas oo ah shidaal dihin oo aan hore looga faa’iidaysan "Somaliland waxay sidoo kale leedahay kheyraad saliid ah oo aad u weyn. Daraasad ay samaysay shirkadda TGS ee Norway ayaa qiimeysay in Somaliland laga heli karo ilaa 30 bilyan oo foosto oo saliid ah.”
Warbixinta mareegta Oilprice ayaa lagu soo gabagabeeyay "Iyada oo silsiladaha sahayda caalamka ay sii nuglaanayaan, Somaliland ayaa u muuqata meel aan la iska indho-tiri karin, maaha kaliya arrin diblomaasiyeed, balse waa xudun muhiim u ah dunida.”