Madaxweynaha oo Waxqabad Isku Dhafan oo Taariikhi ah ka Hir-geliyay Sallaxlay

Monday September 15, 2025 - 13:13:49
hadhwanaagnews
Madaxweyne Cirro waxa uu si geesinimo leh u caddeeyey in aanay jirin...



Daah-furka mashruuca horumarinta Seeraha Banka Qoolcaday ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu astaan u yahay sida ay Xukuumadda Somaliland uga go’an tahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo mashaariicda waxtarka u leh nolosha bulshada iyo kobaca dhaqaalaha qaranka.

Mashruucan lagu xidhayo Seeraha Banka Qoolcaday oo ah mid si toos ah wax uga bedelaya nolosha bulshada xoolo-dhaqatada ah, waxa uu diirradda saaraya adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: soo saarista calafka xoolaha ee nafaqada u leh xoolaha, adeegyada caafimaadka xoolaha, qodista balliyo iyo dhaamam biyo kayd ah, iyo hirgelinta cilmi-baadhisyo wax ku ool ah. Tani waa tusaale dhab ah oo ka tarjumaya aragtida fog ee Madaxweynaha iyo sida ay Xukuumaddu u danaynayso in la dhiso dhaqaale adag, deegaan la ilaaliyo, iyo nolol waarta oo ay bulshada Somaliland dhammaanteed ka faa’iidaysato.

Madaxweyne Cirro waxa uu si geesinimo leh u caddeeyey in aanay jirin cid gaar ah oo loo xidhayo seeraha, balse ee mashruucani yahay mid dan guud, loona maamuli doono si siman oo caddaalad ah, isla markaana ay si toos ah uga faa’iidaysan doonaan dadka deegaanka iyo guud ahaan xoola-dhaqatada Somaliland, gaar ahaan xilliyada abaaruhu ay jiraan. Arrintani waxa ay caddayn u tahay sida Xukuumaddu u wajahday mashruucan, iyadoo adeegsanaysa wadatashi, hufnaan iyo kalsooni bulsho.

Ka qaybgalka Madaxweynaha ee daah-furka mashruucan muhiimka ah waxa uu caddeyn u yahay in dowladda Somaliland ay si dhab ah ugu heelan tahay horumarinta qaranka JSL iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah iyo xoojinta maamul wanaagga kheyraadka dabiiciga ah, si waafaqsan sharciga, danaha guud iyo mustaqbalka jiilka soo koraya. Mashruucanina waxa uu noqonayaa tusaale ifaya oo ka tarjumaya sida hoggaamin wanaagsan ay ugu dambayn u dhalin karto horumar dhab ah, oo la taaban karo.

Hoggaan u Adeegaya Bulshada Xoolo-dhaqatada:

Mashruucani waxa uu ka dhigan yahay isbeddel cusub oo ku wajahan maamulka iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan dhul-daaqsimeedka muhiimka ah ee Banka Qoolcaday, kaas oo si toos ah u saameeya nolosha xoolo-dhaqatada, deegaanka, iyo koboca dhaqaalaha qaranka. Madaxweyne Cirro oo si firfircoon u hoggaaminaya mashruuca ayaa tusaale u ah hoggaan wax-ku-ool ah oo wax ka beddelaya siyaasadda maaraynta khayraadka dalka.

Hoggaamin Daahfuran iyo Ka-Qaybgal Bulsho:

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu mudan ee mashruucan lagu amaani karo ayaa ah habka loo maray: wada-tashi bulsho, is-afgarad deegaanka ah, iyo hannaan daahfuran oo meesha ka saaraya muran, tuhun iyo dan gaar ah. Madaxweyne Cirro waxa uu si cad u sheegay in aanay jirin cid gaar ah oo loo xidhayo ama laga iibinayo Seeraha Qoolcaday, taas oo soo afjaraysa cabashooyin hore iyo hubanti-la’aan ay bulshadu qabtay.

Sidaas darteed, seerahan waxa si rasmi ah loogu wareejiyay gacanta dawladda, iyadoo la raacayo nidaamkii uu hore u lahaa Banka Aroori, loona samaynayo maamul rasmi ah oo ay si wadajir ah ay u hirgelin doonaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo bulshada deegaanka. Tani waa tusaale fiican oo muujinaya sida loo suurtogelin karo hannaan wadaag ah oo u dhexeeya dawladda iyo shacabkeeda, isla markaana horseedaya kalsooni iyo hufnaan siyaasadeed.

Faa’iidooyin Dhaqaale iyo Deegaan:

Mashruucani maaha oo keliya mid muujinaya hoggaan wanaagsan, balse waxa uu sidoo kale yahay bar bilow cusub oo u horseedi kara deegaanka Qoolcaday koboc dhaqaale, shaqo-abuur, iyo adeegyo bulsho. Waxa loogu talo-galay in laga hirgeliyo adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:-

  1. Soo Saarista Calaf Tayo leh oo Lagu Nafaqeeyo Xoolaha:

Waxqabadka Mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday waxaa qayb ka ah soo saarista calaf tayo leh oo nafaqeeya xoolaha, kaas oo ah mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee mashruuca horumarinta Seeraha Banka Qoolcaday, calafkaas oo wax weyn ka taraya nolosha xoolaha iyo dadka reer miyiga ah, gaar ahaan xilliyada abaaraha iyo nafaqo yaraanta

Soo saarista calafkan waxay noqonaysaa tallaabo istiraatiiji ah oo wax ka beddeli doonta hab nololeedka xoolo-dhaqatada reer Somaliland. Waxay si toos ah u taageeraysaa: Nafaqo kordhin: Calafka tayada leh isla markaana waxa uu xoolaha siinayaa awood nafaqo oo sare, taasoo yareynaysa dhimashada xoolaha wakhtiyada abaarta.

  1. Adeeyada Caafimaadka Xoolaha:

Hirgelinta Adeegyada Caafimaadka Xoolaha ee mashruucani waa tallaabo muhiim ah ay xukuumaddu ku damaanad qaadayso badbaadada nolosha xoolaha iyo dhaqaalaha xoolo-dhaqatada. Mashruuca horumarinta Seeraha Banka Qoolcaday waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa hirgelinta xarumo caafimaad oo casri ah oo u adeegaya xoolaha ku nool deegaannada ku xeeran. Tani waa tallaabo istiraatiiji ah oo lagula tacaalayo caqabadaha ay xoolo-dhaqatadu kala kulmaan xanuunnada faafa, talaalka, iyo daryeelka guud ee xoolaha, kuwaas oo si weyn u saameeya nolosha iyo dhaqaalaha bulshada.

Xarumahan caafimaad waxay noqon doonaan meel lagu fuliyo talaallo joogto ah, daaweyn degdeg ah, la-talin caafimaad, iyo korjoogtayn si joogto ah loogu ogaanayo xaaladda caafimaad ee xoolaha. Waxaa sidoo kale waxa laga hawl-gelin doonaa dhakhaatiir ku takhakhusay caafimaadka xoolaha iyo qalab caafimaad oo casri ah, si ay u daboolaan baahida dhabta ah ee ay qabaan xoolo-dhaqatadu.

Adeeggan caafimaad waxa uu xoojin doonaa isku-filnaanshaha deegaanka, waxaanu door weyn ka ciyaari doonaa kor u qaadista wax-soo-saarka xoolaha, taasoo si toos ah u saameynaysa kobaca dhaqaalaha qoyska iyo guud ahaan Qaranka.

  1. Adeegyada Biyaha ee Xoolaha iyo Bulshada:

Mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday waxa uu xoogga saarayaa kobcinta helitaanka biyo nadiif ah oo ku filan xoolaha iyo dadka deegaanka, taasoo ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee nolol-maalmeedka bulshada xoolo-dhaqatada ah. Waxaa si qorshaysan loo dhisi doonaa balliyo, dhaamam iyo baraago waaweyn oo kayd biyoodyo ah, kuwaas oo lagu ururinayo biyaha roobka si looga hortago saameynta abaarta, biyo-yaraanta, iyo is-beddelka cimilada ee sida joogtada ah u saameeya deegaanka.

Biyahaasi waxay si toos ah u taageeri doonaan xanaanaynta xoolaha, biyo-siintooda joogtada ah, iyo nolosha dadka deegaanka, iyaga oo meesha ka saaraya baahida loo qabo safarro dhaadheer oo lagu raadsado biyo. Sidoo kale, adeegyada biyaha waxa ay gacan ka geysan doonaan in la abuuro deegaan joogto ah oo xasilloon, iyadoo ay bulshadu heli doonto biyo ay ku adeegato, taas oo sare u qaadaysa tayada nolosha iyo fursadaha horumarineed.

  1. Shaqo Abuurka iyo Kobcinta Dhaqaalaha Deegaanka:

Mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday waxa uu fure u yahay abuurista fursado shaqo oo toos ah iyo kuwo dadbanba, taas oo kor u qaadeysa dhaqaalaha deegaanka. Iyada oo la dhisayo balliyo, baraago, xarumo caafimaad iyo xarumo cilmi-baadhiseed, kuwaas oo keenaya in si toos ah loogu baahdo shaqaale ka hawl-gala si mashruuca loo maamulo, loo ilaaliyo loona horumariyo adeegyadaas muhiimka ah. Tani waxay dhalin doontaa shaqooyin joogto ah oo bulshada deegaanka ka caawinaya inay ka baxaan saboolnimada, isla markaana ay helaan nolol fiican.

Intaa waxaa dheer, mashruucu wuxuu fursado shaqo oo dheeraad ah u abuuri doonaa dadka deegaanka, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona hawlaha cilmi-baadhista, tababarada, iyo maareynta kheyraadka seeraha. Shaqo-abuurka noocan ah ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xasilinta bulshada, kor u qaadista wadajirka, iyo horumarinta guud ee gobolka, isagoo dhiirrigelinaya is-dhexgalka bulshada iyo horumarka.

  1. Xarunta Cilmi Baadhista iyo Horumarin Xoolo Dhaqashada

Seeraha Banka Qoolcaday wuxuu noqon doonaa xarun muhiim ah oo lagu hormarinayo cilmi baadhista la xidhiihda xoolaha iyo deegaanka. Iyada oo laga hirgelin doono shaybaadhyo casri ah oo baadhaya xanuunnada xoolaha, xaruntani waxay kaalin mug leh ka qaadan doontaa horumarinta caafimaadka xoolaha, taasoo yareynaysa dhimashada iyo cudurrada saameeya nolosha xoolaha. Shaybaadhkan ayaa sidoo kale sahli doona in la helo daaweymo iyo tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo cudurrada, taasoo kor u qaadi doonta wax soo saarka iyo tayada xoolaha.

Intaas waxaa dheer, Seeraha Banka Qoolcaday waxa uu noqon doonaa goob tababar iyo aqoon isweydaarsi oo muhiim u ah dadka deegaanka iyo xoolo-dhaqatada, halkaas oo lagu baranayo farsamooyinka casriga ah ee soo saarista calafka tayo sare leh iyo taranka xoolaha. Tababaradan ayaa sare u qaadi doona xirfadaha dadka deegaanka, iyaga oo ka caawinaya inay si waxtar leh uga faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah, isla markaana ay dhisaan mustaqbal dhaqaale oo waara.

Qodobadan muhiimka ah waa saldhigga mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday, waa mashruuc ballaadhan oo aan kaliya ku koobnayn ilaalinta deegaanka iyo dayactirka khayraadka dhulka, balse waa mashruuc dhisaya mustaqbal waara oo bulsho iyo dhaqaale leh. Waxay yihiin tallaabooyin si toos ah u taabanaya nolosha xoolo-dhaqatada, ilaalinta deegaanka, iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka.

Dhammaan adeegyadaasi waxay si toos ah u taageerayaan nolosha bulshada deegaanka, isla markaan ay wax ka tarayaan ka-hortagga saameynta isbeddelka cimilada, abaaraha, iyo xoolo-dhiman dhaqaale ahaan dhaawici kara beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada.

Seeraha Banka Qoolcaday wuxuu noqonayaa tusaale wanaagsan oo ay ku daydaan deegaanada kale ee dalka, gaar ahaan sidii loo maamuli lahaa seeraha, loo badbaadin lahaa kheyraadka dabiiciga ah, loona kobcin lahaa dhaqaalaha dadka deegaanka. Waxa uu noqon doonaa bartilmaameed cilmiyeed, wax-soo-saar iyo nabadgelyo.

Xukuumadda Madaxweyne Cirro waxa ay ku tallaabsatay in ay la timaaddo hoggaan furan oo bulshada dhegaysanaya, danaha guudna ku saleeya qorshayaasha horumarinta. Mashruucani waxa uu si cad u muujinayaa in horumarku aanu ku iman amar kor ka yimid, balse uu ku yimaaddo wada-xaajood, tixgelin, iyo ku-dhaqan karti siyaasadeed.

Mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday waa tallaabo hal-abuur leh oo xaqiijinaysa hal-ku-dhegga ah "Horumar ay Bulshadu Wada-leedahay”. Waa guul u soo hoyatay deegaanka, qaranka, iyo mustaqbalka jiilka cusub ee Somaliland. Hoggaaminta Madaxweyne Cirro ee mashruucan ayaa noqonaysa tiir-dhexaadka horumar waara oo ku salaysan wada-tashi, cadaalad iyo aragti dheer.

Dhinaca kale, Degmada Salaxlay oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee gobolka Maroodi-jeex ayaa todobaadkan si rasmi ah u martigelisay mashaariic horumarineed waaweyn kuwaasi oo iu ka hirgeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, mashaariicdaasi oo isugu jiray adeeg caafimaad, waxbarasho, maaliyadeed, ciyaaro, kaabayaasha biyaha iyo Dhismaha Xarunta Dab-damiska magaalada Salaxlay.

Mashaariicdan oo horumarineed oo hal mar uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, wada-dhagax dhigay ayaa ka tarjumaya ballanqaadkii xukuumadda ee ku saabsanaa in la gaadhsiiyo adeegyada asaasiga ah dhammaan deegaannada dalka, isla markaqana si gaar ahna loo gaadhsiiyo degmooyinka ay sannadada badan ka maqnaa qorshayaasha horumarka qaranka.

  1. Laanta Bangiga Dhexe ee Salaxlay

Furitaanka laanta Bangiga Jamhuuriyadda Somaliland ee degmada Salaxlay waa talaabo muhiim ah oo fure u noqon karta kobcinta dhaqaalaha deegaanka. Waxay dadka deegaanka u sahli doontaa helidda adeegyo maaliyadeed, keyd, amaah iyo la xisaabtanka dhaqaale ee maamulka.

  1. Xarunta Dab-demiska iyo Badbaadinta Nafaha

Dhagax-dhigga xarunta dab-demiska ee Salaxlay wuxuu muujinayaa sida ay xukuumaddu u garawsan tahay baahida loo qabo sugidda badbaadada muwaadiniinta. Waxa kale oo ay tani muujinaysaa in adeegyada badbaadintu ay qayb ka yihiin qorshaha horumarka qaranka.

  1. Garoonka Kubadda Cagta

Garoonka ciyaaraha kubadda cagta ee degmada Sallaxlay wuxuu noqon doonaa hoyga dhalinyarada ee firfircoonida, caafimaadka iyo xoojinta isku-xidhka bulshada. Waxa uu sidoo kale muhiim u yahay in laga dhigo meel ay ka koraan hibada ciyaartooyda mustaqbalka.

  1. Ballaadinta Adeegyada Caafimaadka Cusbitaalka Sallaxley:

Ballaadhinta adeegyada Caafimaadka si loo helo adeeg caafimaad oo casri ah oo la gaadhsiiyo bulshada. Dhakhtarka Degmada Sallaxlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa uu dhagax-dhigay Shaybaadh cusub iyo qaybta ilkaha oo lagu soo kordhin doono Dhakhtarka.

  1. Dhaam Biyoodka:

Biyaha nadiifta ah waa tiirka ugu muhiimsan ee nolosha bulshada. Hirgelinta dhaam biyoodkan cusub ee deegaanka degmada Sallaxlay waxa ay si toos ah u taabanaysaa nolol maalmeedka kumannaan qof. Waa tallaabo lagu daryeelayo dadka nugul iyo bulshada danyarta ah ee reer miyiga ah iyo xoolaha nool oo ah lafdhabarta dhaqaalaha Somalialnd.

Gabagabo: Ballanqaadkii Cirro oo Rumoobay:

Dhacdooyinkan iyo tallaabadan geesinimada leh ee uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxay noqon doontaa mid baal dahab ah ka gasha taariikhda degmada Salaxlay. Madaxweyne Cirro iyo xukuumaddiisu waxay muujiyeen in aan horumarku ahayn erayo kaliya ee uu yahay ficil muuqda. Mashaariic horumarineed oo tiradaas leh oo hal mar la wada dhagax dhigay waxa ay astaan u yihiin billowga cusub ee horumarka qaranka JSL.

     
Loading...