Aniga oo ku hadlaya afka walaaltinimo, waxaan hambalyo qiimo iyo qadarin leh u dirayaa Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, u Adeegaha Labada Xaram ee Sharafta leh: Maka iyo Madiina, munaasabadda 95-guurada Boqortooyada Sacuudiga.
Sanadguuradani waa astaan ka turjumaysa guushii taariikhiga ahayd ee Boqor Cabdulcasiis bin Cabdiraxmaan bin Faysal Aala Sacuud uu ku guuleystay:
Ilaahay ha ka abaal mariyo Boqor Cabdulcasiis: aas-aasihii qaranka Sacuudiga oo hirgeliyay dowlad mideysan, taasoo maanta astaan sharaf leh ugu noqotay dawladda Carabta iyo guud ahaan shucuubta Islaamka.
Sanadguuradan 95-aad ee taariikhiga ahi waxay dunida u furtay bog cusub oo ku saleysan nabad, cadaalad, wada noolaansho iyo is-qadarin.
Sidaas oo kale, hambalyo gaar ah ayaan u dirayaa walaalkay iyo saaxiibkay, Waliyu-l-Cahdka, Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan Aala Sacuud, oo leh kaalmo taariikhi ah oo lagu xusuusan doono – gaar ahaan Vision 2030, oo ah barnaamij taariikhi ah oo bedeli doona qaab-dhismeedka dhaqaalaha iyo horumarka caalamka.
Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa xukuumadda iyo shacabka qaaliga ah ee Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo maanta tusaale wanaagsan u ah Caalamka Carabta iyo dhammaan ummadda Islaamka, iyo weliba dhammaan dadka nabadda jecel ee adduunka.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa kaalin muuqata ka qaadatay nabadda, wada noolaanshaha iyo iskaashiga caalamiga ah. Inta badan hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan horumarinta bulshooyinka waxay kaalmo dhaqaale oo hormuud ah ka helaan Boqortooyada Sacuudiga.
Hambalyo iyo bogaadin guud, iyadoo aan Alle ka baryayo inuu sii waariyo Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana uu barakeeyo hoggaamiyeyaasha iyo shacabka sharafka leh.
Waxaa qoray:
Hassan Suudi Hersi Tell: +252 77199854
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!