hadhwanaagnews
Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, Mudane Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug (Boosh-cadde), ayaa sheegay in shacabka Hargeysa ay si weyn ugu diyaar garoobeen soo dhawaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka soo laabtay safar rasmi ah oo uu ku tagay dalka Israa’iil.
Xoghayaha ayaa sheegay in shacabka Hargeysa ay muujiyeen midnimo iyo taageero ballaadhan, isaga oo xusay in waddooyinka caasimadda ay buuxiyeen dadweyne u taagnaa soo dhawaynta Madaxweynaha.
"Dalkaagii iyo Shacabkaagii ayaa Kuu Heellan”
Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyey ereyo muujinaya taageerada shacabka, isagoo yidhi:
"Madaxweynaha waxaanu leenahay: Dalkaagii iyo Shacabkaagii oo kuu heellan, ku soo dhawoow.”
Safarka oo Lagu Tilmaamay Guul Qaran
Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa ku tilmaamay safarkii Madaxweynaha iyo weftigiisa ee Israa’iil mid miro-dhal ah, isla markaana guul u ah Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa uu sheegay in natiijooyinka ka soo baxay safarkaasi ay ka turjumayaan horumarka ay Somaliland ka samaynayso xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo danaha qaranka.
Soo Dhawayn Ballaadhan
Mukhtaar Gaaxnuug ayaa xusay in bulshada Hargeysa aanay u kala hadhin soo dhawaynta Madaxweynaha, isla markaana ay si iskood ah ugu soo baxeen waddooyinka magaalada si ay ugu muujiyaan taageeradooda.
Waxa uu sheegay in soo dhawayntaasi ay ahayd mid muujinaysa midnimada shacabka iyo sida ay u garab taagan yihiin hoggaanka dalka.