Michael Rubin wuxuu xusay in midowgii ay Somaliland iskeed ula gashay
Michael Rubin oo ah khabiir lafo-gura siyaasadda iyo Ammaanka, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inuu aqoonsado Qarannimada Somaliland, si uu caalamka u tuso inuu garab taagan yahay cid kasta oo raacdaa dariiqa dheer ee Somaliland u soo martay dawladnimada ay ku naalloonayso.
Michael Rubin wuxuu sidaas ku sheegay warbixin dheer oo uu ku baahiyay warsidaha Washington Examiner, oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu kaga warramay sooyaalka taariikhda Somaliland, waxaanu xusay inay ahayd dal madaxbannaan oo 30 dawladood aqoonsadeen markii ay madaxbannaanideeda ka qaadatay Ingiriiska 26kii June 1960kii.
Michael Rubin wuxuu xusay in midowgii ay Somaliland iskeed ula gashay Soomaaliya uu burburay 1991kii, iyadoo markaasi la soo noqotay madaxbannaanideedii, wuxuuna tibaaxay in muddada ay Somaliland gaarkeeda isku maamulaysay ay ka badan tahay wakhtigii ay midowga la gashay Soomaaliya.
"Somaliland waxay dhistay dal shaqeynaya iyadoo aan helin wax gargaar ah oo macno leh oo ka yimid beesha caalamka," ayuu yidhi Michael Rubin.
Michael waxa uu ku majeertay Somaliland inay si joogto ah u qabato doorashooyin, iyadoo noqotay dalkii ugu horreeyay adduunka ee adeegsaday sawirka indhaha bu'dooda (iris scan) si loo xaqiijiyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, loogana hortago musuqmaasuqa doorashooyinka.
Michael Rubin wuxuu ku booriyay Madaxweyne Donald Trump inuu adduunka u bandhigo inuu u taagan yahay xorriyadda iyo dimuqraadiyadda oo uu si rasmi ah ugu dhawaaqo aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo Somaliland.