"Waxaan Farayaa Ciidamada Qaranka Ciddii Hub iyo Gaadiid ay ku Qabtaan inay kala Wareegaan" Madaxweyne ku xigeenka

Monday April 28, 2025 - 12:09:44
hadhwanaag
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi,



Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa sheegay in shalay ay soo dhammaatay qarameyntii ciidamada madaniga ee gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

 

Barnaamjika qarameynta ciidamada madaniga ah oo madaxweyne ku xigeenka, taliyaha ciidanka iyo xubno ka mid ah golaha wasiiradu u joogaan muddo laba bilooda gobollada bariga, ayaa lagu soo xidhay degaamada Qori-lugud ee gobolka Buuhoodle.

 

Shalay ayaa degaanka Qorilugud ee degmada Buuhoodle xukuumaddu kula wareegtay laba kun iyo shan boqol oo ka mid ah ciidamada madaniga ah iyo 72 gaadhi oo tikniko ah.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa ciidamada Qaranka Somaliland, farey inay gacan bira wax kaga qabtaan ciddii lagu arko hub iyo tikniko isla markaana ay kala wareegaan Waxaanu yidhi "Waxaan bulsha-weynta Jamhuuriyadda Somaliland meelkasta oo ay joogaan aan u sheegayaa in maanta (Shalay), uu soo dhammaadey barnaamijkii Qarameynta ciidamada Madanigu isla markaana uu ku soo dhammaadey degmada Qorilugud.

 

Waxaan farayaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ciddii ay hub iyo gaadiid ay ku qabtaan in ay kala wareegaan”

 

Gaba-gabadii Qarameynta ciidamadu waxa ay Somaliland uga dhigen tahay guul weyn oo u soo hoyatay Qaranka, isla markaana ka badbaadisay khatar weyn oo ku iman lahayd haddii hubka intaas le’egi uu ku sii nagaan lahaa gacanta shacabka.

     
Loading...