"Finland waxay xoojinaysaa iskaashiga ay la leedahay Itoobiya dhinacyo kala duwan" Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Finland, Elina Faltonen

Friday June 13, 2025 - 14:22:23
hadhwanaagnews
Waxay sheegtay in dalkoodu uu rabo inuu xoojiyo


 Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Finland, Elina Faltonen, ayaa sheegtay in dalkeedu uu doonayo in uu xoojiyo iskaashiga kala duwan ee uu la leeyahay dalka Itoobiya.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Finland, Elina Faltonen, oo wareysi siisay Wakaaladda Wararka Itoobiya, ayaa sheegtay in Finland iyo Itoobiya ay yihiin laba dal oo xidhiidh adag ka dhexeeyo.

Waxay sheegtay in dalkoodu uu rabo inuu xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, ganacsiga iyo maalgeshiga.

Finland iyo Itoobiya waxa uu xidhiidhkooda diblomaasiyadeed soo jiray 66 sano.
Labada dal waxa ka dhexeeya iskaashi muddo dheer soo jiray oo ku saleysan dan guud iyo is-aaminaad.
Sidoo kale Iskaashigooda horumarineed wuxuu xooga saarayaa waxbarashada, horumarinta miyiga, ganacsiga, maalgeshiga, iyo dhinacyo kale.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Finland, Elina Faltonen, waxay sheegtay inay aaminsan tahay in xidhiidhka labada dal uu gaadhi doono heer ka sii sarreeya.
     
Loading...