Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Mudane Abubakar Cabdiraxman Good, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland qorshaheeda ugu weyn ee horumarku uu yahay in awoodda la saaro laba meelood, qabashada biyaha iyo wax soo saarka cuntada, taasi oo uu dalka ku gaadhi karo isku filaansho iyo wax dhoofin.
Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland, waxa uu intaas ku daray in xukuumadda Somaliland waddo qorshe ay ka wada shaqeynayaan dalalka Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta, laguna sameynayo beerista Qamadigii ugu badnaa ee ka soo go’a gayiga JSL, kaas oo noqonaya sida qorshuhu yahay mid ku filnaada ama doboola baahida Qamadiga ay WFP keento Afrika, lana doonayo inay ka qaadato dalagyada Qamadi ee ka soo go’a Somaliland.
Qorshahan ayay iska kaashanayaan Dowladda Somaliland, Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta, iyada oo beero waa weyn laga sameynayo gobolka Daad-madheedh.
Geesta kale sida wasiirku sheegay waxa degaanka Xaaxi laga hirgelinaya Dhaam-biyoodyo baaxad weyn leh oo qaada 10 milyen oo foosto. Waxa kale oo dib u habayn lagu sameynayaa il-biyeedyadii hore ee wax ka xumadeen, waxaana la hirgelinayaa Riig-biyoodyo cusub.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa yidhi "Degaankan Xaaxi, ducadii Dariiqada ayaa ku soo baxday oo waxqabadka ugu badan in halkan laga qabto ayaa qorshaysan.
Waxa la doonayaa in halkan laga dhigo haddii ILLAAHEY yidhaahdo oo waliba degdeg loo bilaabo oo laga sameeyo beero waaweyn, kuwaas oo la doonayo in daboolaan baahida wax-soo-saarka Qamadiga ee Mareykanka iyo WFP inoo keenaan, kuwaas oo laga soo iibin jiray Maraykanka iyo meelo kale. waxaana qorshaha ku jira in eeriyadan Oodweyne meel ay ka noqotoba laga sameeyo beero waa weyn, ceel biyoodna waa laga sameyn doona, halkii Mareykanka laga keeni lahaa ee kharash badani ku bixi lahaa, waxa lagu talo jiraa oo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Cabdiraxmaan Cirro ka go’an in halkani noqoto meesha Afrika laga quudiyo, waaney ku jirtaa qorshaha, sahanadiina waa la qaaday, waa la soo sameeyay dhamamkii.
Meesha biyaha iyo beerahaba loo soo doonanayaa waxay noqonaysa Oodweyne haddii ILLAAHEY yidhaahdo”
Geesta kale, sida wasiirku sheegay waxa degaanka Xaaxi laga hirgelinaya Dhaam-biyoodyo waaweyn oo qaadaya 10 milyen oo foosto. Waxa kale oo dib u habayn lagu sameynayaa il-biyeedyadii hore ee wax ka xumadeen, waxaana la hirgelinayaa Riig-biyoodyo cusub.
Waxaanu yidhi "Degaanka Xaaxi ee degmada Oodweyne biyuhu aad bay ugu yaraayeen, biyo soo saarkeeduna dhawr jeer ayay fashilantay, balse hadda aad ayaa looga baaraan degayaa sidii loogu guuleysan lahaa, haddii ILLAAHEY yidhaahdo riigani dhawaan waxa uu bilaabi doona qodista, 90% ayaanu rajeynayna in biyo fiican laga helo degaankan. Waxaana la doortay goobtii ugu biyaha badneyd,.
Waxaan ugu bushaareynayaa in waxqabadka ugu badan laga qaban doono degaanka Xaaxi, waxa aanu halkan ka hirgelin doona laba Dhaam oo nashqadoodu qaadeyso 10 milyen oo foosto.”
Wasiirku waxa uu sheegay in mashruucani uu ka duwan yahay mashruucyadii hore loo yaqaanay waxaanu yidhi "Mashruucani wax badan ayuu dheeryahay mashruucyadii hore, qorshuhu waxa weeye in bacdii la dhigo, silig in lagu wareejiyo isla markaana dayr weyn loo sameeyo, Sollar loo sameeyo, Ijiin loo sameeyo, taangiyo loo sameeyo dararkii xooluhu ka cabayeen loo sameeyo sidoo kalena loo sameeyo goobihi dadku ka cabayeen, waxa kale oo uu dheer yahay laba qodob oo mihiima, mashruuca beeraha iyo shinnida, markaa waxaad arkaysa in dadaal badani socdo.”