Wuxu yidhi "waa arrin muhiim ah in maantaa daahfurno ,,,
Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mab Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa si rasmi ah u ddhfurey daabacaadda buuga dhaqdhaqaaqa gaadiidka dawladda, kaasi oo qayb ka ah horumarinta iyo diiwangalinta ay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku ay ku samaynayso gaadiidka kala duwan ee dawladda.
Barnaamijkan oo ah mid ku cusub Somaliland ayaa waxa lagu bilaabey daahfurkiisa wasaaradda madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo sidoo Kalena hore loogu bilaabay diiwangalinta gaadiidka dawladda oo soo dhamaatay, kaasi oo lagu diiwaangaliyay 1450 gaadiid ah oo ka hawlgala 53 wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda ah.
Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mab Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somailand ku bogaadiyay horumarinta iyo dib u habaynta kala duwan ee ay ku wadaan gaadiidka dawladda
Wuxu yidhi "waa arrin muhiim ah in maantaa daahfurno in gaadiidka dawladda la ogaado oo ay yeeshaan wixii lagu garan lahaa oo ah buug oo uu gaadhi kastaa leeyahay< wasaaraduna aad bay u mahadsan tahay