"Annaga wixii nagu waajib ah inta ugu wayn ayaanu qaadanaynaa" Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska JSL.

Wednesday July 23, 2025 - 11:05:59
Taliye xigeenka Ciidanka Booliska oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay

Taliye xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdi Xasan Mirre ayaa deegaanka Baar-Goo ee gobolka Hawd ka dhagax-dhigay Xarun Boolis oo ay yeelan doonto.

Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxa ka qayb galay Taliye xigeenka Ciidanka Booliska, gudoomiyaha gobolka Hawd, ka degmada iyo masuuliyiin kale.

Taliye xigeenka Ciidanka Booliska oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in taliska ciidanka Boolisku ay hirgalinta saldhiga doorkooda ka qaadan doonaan, waxa kale oo intaasi ku daray in shaqada saldhigani qayb ka noqon doono dedaalada lagaga hortagayo isla markaana lagula dagaalamayo mukhaadaraadka.

"Annaga wixii nagu waajib ah inta ugu wayn ayaanu qaadanaynaa, marka ay dhisanto, Agabkii, Ciidankii, wixii lagu shaqaynayey diyaar ayaanu ula nahay Haddii ALLE yidhaahdo, u kala tagimayno waa mustaqbalkii Ubadka deeganka".
     
Loading...