Gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Aqoon yahan Maxamed Axmed Cadad oo maalintii shalay ahayd xafiiskiisa ku qabtay shir Jaraa’id ayaa ka hadlay u diyaar garawga maalinta xuska 18-ka may isla markaana ugu baaqay shacabka ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex in ay siwayn uga qayb qaataan qaban qaadada iyo dabaaldaga maalinta 18-ka may ee fooda inagu soo haysa.
Gudoomiye cadaad ayaa war-saxaafadeedkii sa ku sheegay in maalinta 18-ka may ay tahay maalin shacabka Somaliland ku wayn isla markaana mudan in la qiimeeyo, waxa kale oo uu intaas ku daray in ay maalintani tahay maalin ku astaysan la soo noshada gooni isku taaga Somaliland kadib midawgii 1960kii ay isku biireen labadii Maxmiyadood ee Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumaystay isla markaana Somaliland ay madax banaanideeda ay la soo noqotay 1991kii.
"Waxaa laynooga baahan yahay in qof waliba noqo Boolis, Waxa la doonayaa in aynu ilaalino nabad galyada, waxa kale oo la doonayaa in qof walba uu halkiisa iska xilqaamo”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Profasoor Cadaad.
Waxa kale oo uu gudoomiyuhu intaas ku daray in shacabka Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka maroodi-jeex ay yihiin kuwo marwalba ilaashada amniga gobolka, cidkasta oo ay uga shakiyaan in ay amniga gobolka lidi ku tahayna la wadaagaan laaamaha ammaanka.
"Inagoo dhinac ka farxayna maalinta 18ka may hadana Dhalinyaro, waayeel, waxgarad aqoon yahan iyo Culimo ba ay maalintaas si wayn u soo baxaan” ayuu goomiyuhu hadalkiisa sii raaciyey.
Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa faray gudoomiyahyaasha degmooyinka hoos yimaad gobolka Maroodi-jeex in ay shacabka soo abaabulaan isla markaana siwayn ugu diyaar gfaroobaan xuska maalinta qaran ee 18-ka may.
Gabagabdii, Gudoomiyaha gobolka maroodi-jeex ayaa digniin u diray dad uu sheegay in baryihii u dambeeyey hadalo aan wanaagsanayn isku marinayey baraha bulshadu ku kulanto waxana uu ugu baaqay in ay ka waan toobaan hadalada xanafta leh ee keeni karo amni daro, buuq iyo kicin bulsho.