Madaxweyne: Duruufaha Ku Xeeran Ciidamadda Somaliland Ka jooga SOOL iyo SANAAG BARI Hargeisa Ma U Iman Karaan Diiwaangelin iyo Tiro-koob? Suxufi Mustafe-Janaale

Sunday April 27, 2025 - 11:28:03
hadhwanaagnews
Far keliya fool ma dhaqdo…..Gacmo wada-jir-bay wax ku gooyaan.

"Qabiil qaran ma noqon Karee, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan-cirro waxa aan u soo jeedinayaa inuu digreeto ku soo saaro dib-u-dhigista wakhtiga diiwaangelinta iyo tiro-koobka talisyada ciidamadda ee ku sugan deegaanada bariga fog ee Sool iyo Sanaag”

Inkasta oo Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), hore u sheegay in aan xukumadda Somaliland, kula jirin dagaal qayb ka mid ah dadkeeda, laakiin, ciidamaddu amar ku qabaan inay difaacaan dalka iyo dadkaba, haddana baaqaa waxa yacyacood ka dhigay dagaal shaanshiyeed ay dabada ka riixayaan xubno ciiddan iyo siyaasiyiin xag-jir ah oo isku dayaya inay qururixiso u tuuran qayb ka mid ah bulshada Somaliland si ay uga yaacaan dalkooda hooyo. kuwaas oo ah muwaadiinta reer Somaliland ee hayb ahaan ka soo jeeda beelaha Harti Waqooyi (#Dhulbahante iyo #Warsangeli) ee Somaliland oo iyagu rumaysan inaanay cidna marti ugu ahayn Somaliland, isla markaana uga lexejelo badan yihiin Kudladan isu bahaysatay dagaalka muwaadiinta mayalka adag ee reer SOOL iyo reer SANAAG.
Xubnahan isugu jira saraakiil ciiddan iyo Siyaasiyiin ka tirsan xisbiyadda mucaarid Somaliland ayaa iyagu aaminsan fikir khaldan oo ah in beelaha Harti aanay wax xuquuq ah ku lahayn dowladda Somaliland maadama ay qaarkood ka soo horjeedaan qadiyadda gooni isu-taaga Somaliland inay qaniimaystaan dhammaan xilalka ay ka hayaan dadka beelahaasi ciidamadda kala duwan ee qaranka, shaqaalaha hay'adaha dowliga ah iyo kuwa madaxa-banaan ee Somaliland.

Saraakiishan ciiddan iyo siyaasiyiintaas oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwo cunsuriyiin ah oo qabyaaladi madax martay, khatarna ku ah midnimada iyo wada-jirka beelaha Somaliland ayaa wakhti xaadirkan la sheegay inay faro-gelin ku hayaan shaqada guddida madaxa banaan ee tirokoobka, Dib-u-habeynta iyo Casriyeenta Ciidamadda kala duwan ee Qaranka, kuwaas oo ah kuwa jaan-goyn doona Siyaasadda lagu hagi doono dib-u-habeynta Ciidamadda kala duwan ee Qaranka, sida ay ilo xogogaal ah tibaaxeen waxay wadaan shirqool ka dhan ah jiritaanka ciidamadda Somaliland,gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Gobolada SOOL iyo SANAAG oo deeggaanadooda ay adagtahay sida looga fuliyo diiwaan-gelinta ciidamadda Somaliland sababo la xidhiidha amni darro ka dhalatay shaqaaqadii ka dhacay dhawaan qaybo ka mid ah gobolada Bari ee Somaliland waxaana jira warar sheegaya in guddida diiwangelintu qaadatay go'aan ah in dib loo yar dhigo diiwaan-gelinta iyo tiro koobka ciidamadda beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli oo ay wakhti kale u cayimaan hawshaas, iyada oo la tixgelinayo gogosha nabadeed ee uu fidiyey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro).iyo siyaasadda Xukuumad Somaliland oo ah mid mudnaanta koowaad siinaysa in nabad iyo wada hadal lagu dhammeeyo xurguf kasta oo jirta, laakiin difaaca dadka iyo dalku uu yahay waajib Qaran.Haseyeeshee, xubnaha ciidamadda iyo siyaasiyiinta ah ayaa u xusul duuban inay buriyaan go'aankaas si hal mar loo wada diiwaan-geliyo dhammaan ciidamadda Somaliland, taas oo meesha ka saari karta ciidamada ku sugan deeggaanada bariga fog Somaliland kuwaas oo duruufo jira awgood aanay suurtogal ahayn inay yimaadaan Hargeysa si ay u maraan tirokoobka iyo diiwaangelinta ciidamadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee , way dhici kartaa in lagu kadsoomo haddii uu dameerku ku lebisto harag shabeel laakiin xaqiiqadiisu waxay dibadda imanaysaa markii uu is yidhaahdo sidii shabeelkii u guux oo markaas uu soo tufo codkii foosha xumaa ee dameeraha. sidaas darteed, qabiil qaran ma noqon Karee, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa aan u soo jeedinayaa inuu digreeto ku soo saaro dib-u-dhigista wakhtiga diiwaangelinta iyo tiro-koobka talisyada ciidamadda Somaliland ee ku sugan deegaanada bariga fog ee Sool iyo Sanaag kadib marka uu qiimeyo xaalada amni ee deeggaanadaas iyo duruufaha nololeed ee ku xeeran ciidamadaas oo ah kuwo astaan u ah qaranka Somaliland, iyo midnimada iyo wada-jirka beelaha Somaliland.

Far keliya fool ma dhaqdo…..Gacmo wada-jir-bay wax ku gooyaan.
Mustafe-Janaale(#MJ)
#Hayaannews, Office
#Hargeisa, Somaliland
     
Loading...