Xukuumadda Somaliland Oo Dil Ku Fulisay Laba Nin Oo Dil U Gaystay Laba Askari
Hargeisa(HWN):-Xukuumadda
Somaliland ayaa dil toogasho ah ku fulisay Shibil Saalax Isaaq, oo Gabiley ku
dilay Buux Mawliid Ismaaciil, oo ahaa askari booliis ah, iyo Maxamuud Cali
Nuur, oo dilay Taliyihii Saldhigga Booliiska ee Degmada Maxamed Mooge ee
Hargeysa, Gaashaanle Cali Cabdi Nuur.
Dilkan
qisaasta ah, oo la fuliyey saaka aroornimadii hore, ayaa ka dhacay nawaaxiga
Xabsiga Dhexe ee Madheera, ee gobolka Saaxil. Dilka ayaa la fuliyey kadib
markii Maxkamadda Ciidamadu ay si buuxda ugu heshay dambiyada ay geysteen.

"Xeer-Ilaalinta Guud ee Ciidamada Qaranka
JSL ayaa saaka fulisay qisaasta gacan-ku-dhiiglaha Ex-Askari Maxamuud Cali
Nuur, oo loo qisaasay Marxuum Ex-Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, iyo
gacan-ku-dhiiglaha Shibil Saalax Isaaq Muxumed, oo loo qisaasay Marxuum
Ex-Askari Booliis Buux Mawliid Ismaaciil," ayaa lagu yidhi qoraal kasoo
baxay Taliska Booliiska.
Qisaastan, oo noqotay tii ugu dhakhsaha badnayd
ee la fuliyo, ayuu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi
Cirro, shalay qalinka ku duugay si loo oofiyo qisaasta Shibil iyo Maxamuud,
kadib markii ehelada askartii ay raggani dileen ay codsadeen in qisaasta la
dedejiyo.
Maxkamadda Militariga Somaliland ayaa hore u
go’aamisay in si degdeg ah loo dilo askariga dila askari kale. Haddaba, ninka
dilay Taliyaha Saldhigga Maxamed Mooge wuxuu ahaa askari, halka ninka Gabiley
ku dilay askariguna uu ahaa shacab.