Ambasaddor Cawil Cali Ducaale Oo Ka Hadlay Ciiddammada Qaranka Somaliland

Friday March 07, 2025 - 01:00:00
hadhwanaagnews
Ambasaddor Cawil Cali Ducaale Oo Ka Hadlay Ciiddammada Qaranka Somaliland

Hargeisa(HWN):-"Sarkaal Ciidan Ayaan Ahaan jiray laakiin Maan Aqoonin Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan Saraakiisha Aan Wada Shaqayno Ciidan Qaran Marka laga Hadlayo Wax ka Reeban Oo Xaraan Ah Saami Qaybsiga Marba inta is Qorta ayaa Ciidanka Noqota Saraakiil&Saraakiil Xigeeno iyo Dable.

Ummadaha adduunku laba shay ayay ku Faanaan ilaashadaana oo astaan u ah, Kuwaasoo kala ah Calanka iyo Ciiddanka Qaranka ay Ummadu leedahay Farxad ayay Quluubtooda Buuxisaa markay Daawadaan Calankoodii Oo la Saaraayo Ciidankii Qarankuna Salaan Sharaf ula taagan yahay waana arrimaha Xoojiya Wadaniyada iyo kalsoonida Ummadda."

May be an image of 1 person


Ciidanka Qaranku Waa Astaanta iyo Sharafka Dal kastaa Uu Leeyahay Dawladnimaduna Waxay U Baahantahay Cudud ilaalisa Calankaas Dushooda Sudhan Waxa Dadyowga ka Caagan inay Ciidankooda Wax ka Sheegaan Ama Farafareeyaan, Dalalka Qaarkoodna Waaba Dambi Uu Mutaysto Qofku Haddii uu Ciidanka wax ka Qoro Sida Miisaaniyada Uu Ciidanku Soo qorto Dawladauhu Ma Falanqeeyaan ee Sideeda ayay u sii daayaan"


"Ciiddan Qaran oo aynu ku faani karno ayaa maanta inoo dhisan, waanna Ciiddan u dhaartay inuu dhiiggiisa u huro difaaca dalkiisa gudo iyo dibadba. Waana Ciiddan Cadow kasta oo aynu leenahay Dhabarka Ka jabin kara, Askartii iyo Saraakiishii ku Geeriyooday Dagaalka Tuko-raq waxay u Shahiideen Difaaca Dalkooda Qabiil may Difaacayn waxay Difaacayeen Ummadooda iyo Dalkooda, kuwa Maanta Noolina waxay u Diyaar yihiin inay u Dhintaan Difaaca Dalkooda"


Waxaan Maalmahan Warbaahinta Ku arkaayay arrin Ummadeena Ugub ku Ah oon 27kaas Sanadood ee aynu Dawladda ahayn ina soo marin oo ah wax ka sheegista Saraakiisha Qaranka oo Beelo loo Jajabinaayo Saraakiisha Ciiddanka. Waa arrin aad u fool-xun inaynu ku kacno innagoo Cadow is hayna Ciiddankeenuna ku sugan yahay Jiiddaha hore ee dagaalka, waanna ayaan-darro qof Dhiiggiisa u hibbeeyay dalkiisa in hoos loogu dhaadhaco haybtiisa waxay ka dhigan tahay taas marka lagu dhaqaaqo qof Tiirkii ugu muhiimsannaa oo ah Ciiddanka qaranka ee dawladnimaddu ku taagnayd Dube la dhacaaya oo kale, waanna arrin ka farxinaysa Cadowga, Ciiddankeenana niyad-jab ku ridaysa. Soomaaliya waxay Dawlad U noqon weyday waa Ciiddan la’aanta" Ayuu yidhi Ambasaddor Cawil Cali Ducaale


Waxaan Siyaasiyiinta iyo Dadka kale Ee Arrintaas Ka Hadlaya Ka Codsanayaa in Hadday Mucaarad Yihiin Meel Kale Ka Raadiyaan Mucaaradada laakiin Aanay Ciidanka Qaranka Ula Soo leexan Waxaanay Noqonaysaa Arrin Wadaniyada iyo Xilkasnimada Aad Uga Durugsan.”


Ambasaddor Cawil Cali Ducaale


     
Loading...