Wefdi ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qeyb ka ah 40 wadan oo lagu casuumay shirweynaha 23aad ee hanaanka maaliyadda Islaamiga oo ka qabsoomay dalka Baxrayn.
Wefdi Gudoomiye ku xigeenka Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Xamse Cabdiraxmaan khayre hogaaminayey qeybna ka ahaayeen xubno Guddida shareecada ee Baanka Dhexe ee Somaliland oo safar shaqo Ku tagay dalka Baxrayn ayaa waxa soo dhaweeyey Gudoomiyaha Guud ee Hay’adda AAOIFI,Shaikh Ebrahim Bin Khalifa Al-Khalifa.
Baanka Somaliland oo xubin buuxda ka ah Golaha AAOIFI (AAOIFI) ayaa si rasmi ah loogu soo casuumay shirkaas, ayaa wefdiga Somaliland qeyb ka ahaa madax ka socotay 40 wadan oo dunnida Islaamka oo isticmaala hanaanka maaliyadeed ee islaamiga ah iyo wufuud ka socday hay’adda dhaqaalaha oo ka qeybgalay shirweynaha ayaa labada maalmood ee uu socdo waxa lagu lafa guraayaya hanaanka maaliyadeed ee Islaamiga ah
Gudoomiye-xigeenka Baanka Dhexe Md. Xamse iyo wefdigiisa oo kulan gaar ah la yeeshay mauusiyiinta Baanka Dhexe ee dalka Baxrayn ayaa la sheegay in labada dhinac isla qaateen xidhiidh iskaashi dhexmara, sidoo Kalena Baanka Dalka Baxrayn ayaa ballanqaaday inuu dhigiisa Somaliland ka caawiyo dhinacyada farsamada iyo tababarada hanaanka maaliyadeed ee islaamiga ah.
Fariin lagu baahiyey barta Twitter ee Baanka dhexe ee dalka Baxrayn ayaa lagu sheegay,
"Bangiga Dhexe ee Bahrain (CBB) wuxuu soo dhaweeyay saraakiil ka socota Bangiga Qaranka ee Tajikistan, Bangiga Somaliland, iyo Bangiga Dhexe ee Ciraaq iyaga oo qayb ka ah booqashadooda Boqortooyada Bahrain si ay uga qaybgalaan Shirka Sannadlaha ee Guddiyada Shariicada ee AAOIFI.”
Gudoomiye-xigeenka Baanka Dhexe Md Xamse ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Dr. Abdelilah Belatik, Xoghayaha Guud ee Hay’adda CIBAFI Secretariat iyo Dr. Muhammad Bilal, ku wehlinayeen xubnaha Guddida Shareecada ee Bangiga Dhexe Somaliland Sheekh Almis Xaaji Yaxye Ibraahim, Sheekh Ibraahim Axmed Xirsi, Sheekh Maxamed Ibraahim Jaamac.
"Waxaan uga mahadcelineynaa soo dhoweyntii diirranayd iyo wadahadalladii wax-ku-oolka ahaa ee ku saabsanaa iskaashiga mustaqbalka ee Bangiga dhexe Somaliland iyo Hay’adda CIBAFI ee dhinaca kobcinta Nidaamka Maaliyadeed ee Islaamiga ah. Waxaa xusid in CIBAFI & Mac-hadka Aqoonta Bangiyada ee Somaliland SLIBF ay hore heshiis u wada galeen. Anagoo tixraacayna heshiiskaas hore waxaanu isla garanay inaan balaadhiyo dhinacyada la iska kaashanayo taas oo dhawaan aanu saxeexi doono heshiis buux oo iskaashi oo taabanaya dhincyo badan.” Ayuu sheegay Gudoomiye-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland
Dhanka kale, weftiga Baanka Somaliland ayaa shirar muhiim ah oo dhinac socda shirweynahaas la yeeshay Hay’adaha/Bangiyada ugu waaweyn ee maamula Nidaamka Maaliyadeed ee Islaamiga ah oo uu ku jiro Baanka Dhexe ee boqortooyada Bahrain si loo xoojiyo iskaashiga calaamigaa ee Baanka Somaliland, isla markaana ula jaanqaadno adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan Baananka Islaamiga ah ee dunida.
"Kulan muhiim ah ayaan la yeeshay H.E. Dr. Ahmed Al Shaikh, Maamulaha Guud ee Machadka Dhaqaalaha & Bangiyada Baxrayn (BIBF_BH) iyo masuuliyiin heersare ah. Waxaan si qoto dheer u dareennay diirimaadka soo dhaweynta—oo aan aragnay calanka Somaliland oo si sharaf leh loo soo bandhigay inta aan joognay, taas oo ahayd tilmaan saaxiibtinimo oo taabanaysa.
Xidhiidhkeena dheer ee BIBF wuu sii wanaagsanaayaa. Waxaan isla qaadanay isdhaafsiga horumarinta tababbarka maaliyadda Islaamka iyo dhisidda awoodda hay’adaha labada dhinac.” Ayuu sheegay Gudoomiye-xigeenka Baanka Somaliland
Arrintan ayaa wax wayn ka tari doonta kor u qaadida barnaamijka dib-u-habaynta iyo casriyaynta Baanka Dhexe ee ay wadaan Guddoonka Baanka Somaliland.