Waxqabadka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee 100-ka Maalmood

Saturday April 26, 2025 - 11:00:31
hadhwanaagnews
Farriimahaasi hordhaca ah oo xambaarsan waxqabadka....



Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ee xukuumadda Waxqabad iyo Wada-jir ayaa bulshada la wadaagay Waxqabadka Wasaaradda Caafimaadka JSL ee 100-kii maalmood ee ugu horreeyey xukuumadda Waddajir iyo waxqabad ee arrimaha caafimaadka dalka.

 

Masuuliyiinta wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ballan-qaaday in ay bulshada reer Somaliland u soo gudbinayaan farriimo la xidhiidha waxqabadka iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee wasaaradda, kuwaasi oo hordhac u ah baahin maalinle ah oo ay masuuliyiintu dadweynaha kula wadaagi doonaan waxqabadka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee 100-ka maalmood.

 

Farriimahaasi hordhaca ah oo xambaarsan waxqabadka adeegyada caafimaad ee dalka iyo horumarka ay samaysay wasaaraddu boqolkii maalmood ee ugu horreeyay muddo xileedka xukuumadda Somaliland ee waxqabad iyo wada-jir, waxay u dhignaayeen sidan:-

 

100-kii Maalmood ee ugu Horreeyey Wasaaraddu Waxay Wax ka Qabatay Arrimahan:-

 

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL waxay 100-kii maalmood ee ugu horreeyey ay xadhigga ka jartay dhismaha Xarunta caafimaadka ee magaalada Qorilugud, Cisbitaalkan oo ballaadhin iyo qalabayn lagu sameeyey ayaa waxa xadhigga ka jaray wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka JSL Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL waxa ay xadhigga ka jartay 100-kii Maalmood ee ugu horreeyey xukuumadda Cisbitaalka Weyn ee Dacar-budhuq kaas oo ay u dhammaystirtay Qalabka, Adeegyadda Caafimaadka iyo Shaqaalihii Caafimaadka ee ka hawlgali lahaa, Dhismaha cisbitaalkan waxa xadhigga ka jaray Madaxweynaha JSL Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi {Cirro}.

Kormeerro Loogu Kuur-galayo Xaaladaha Iyo Baahiyaha Ka Jira Cusbitaallada Gobollada.

Tayanta Adeegayada ay Bixinayaan Cusbitaalladu iyo Weliba Ballaadhinta Dhismayaasha Cusbitaallada.

Xoojinta Xidhidhka iyo Wada-shaqaynta Wasaaradaha, Hay’adaha Caalamiga ah, Daneeyayaasha Caafimaadka iyo Xarumaha Gaarka loo Leeyahay.

Dib-u eegista Siyaasadda iyo Qorshayaasha Caafimaadka Kuwaas oo Saldhig u ah Dhammaan Isbeddeladda Caafimaadka ee Wasaaraddu Samaynayso.

Ballaadhinta iyo Gaadhsiinta Adeegyada Caafimaad, Bulshada Somaliland, Gaar ahaan Kuwooda Saboolka ah iyo Weliba Deegaamada Fog-fog ee Durugsan.

Xoojinta Dhiig-shubidda Qaranka iyada oo la Qabtay Olole Qaran.

Xoojinta Adeegyada Gurmadka Degdegga ah.

Shuruucda iyo Tayada Daawooyinka iyada oo Dib-u-eegis Ballaadhan Wasaaraddu ku Samaysay Habraacyada Kala Duwan.

Dib-u-Eegis iyo Ballaadhin lagu Sameeynay Qaabdhismeedka Wasaaradda, Iyada oo la soo Kordhiyay 2 Waaxood oo Cusub, Kuwaas oo Muhiim u ahaa Dardargalinta Shaqada Wasaaradda.

Waxa Maamul-Daadejin lagu Sameeyay Shaqadil Wasaaradda, Taas oo Muhim u ah Habsam-u-socodka Shaqada Maalinlaha ah, si loo Abuuro Kalsooni Lagu Wada Shaqeeyo, Loona Helo Isla-xisaabtan Daahfuran.

Waxa Shirar Joogto ah lala Galay Dhammaan Waaxyaha Wasaaradda iyo Xafiisyada Gobollada, Kuwaas oo lagala

Hadlay Dardargelinta Shaqada iyo Nidaamka Wada-shaqayneed ee Xafiisyada Kala Duwan.

Waxa la Siiyay Cusbitaallada iyo Gobollada Dalka Daawooyin iyo Gaadiidka Gurmadka Deg- Degga ah, Kuwaas oo Lagama-Maarmaan u ah Bixinta Adeegyada, Iyada oo Lagu Jiro Xilliyo Adag, Dhanka Xaaladaha Degdegga ah.

Waxa la Qabtay Tababarro Kor Loogu Oaadayo Xirfada iyo Tayada Adeeg-bixiyaha Caafimaadka, Taas oo Lagama-Maarmaan u ah Badbaadinta Bukaannada iyo Habsami-socodka Shaqada Goobaha Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa tilmaamay in uu ku faraxsanyahay in wasaaraddu ay ku tallaabsatay isbedelo waaweyn oo la taaban karo, waxaanu yidhi "Waxaan ku faraxsanahay mudadii 100-ka Maalmood ee u horreysay ee xukuumadda wadajir iyo waxqabad ee uu hoggaamiyo Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay ku tallaabsatay isbeddelo waaweyn oo la taaban karo.”

 

Wasiir ku xigeenka wasaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay sheegtay in ay in ku faraxsan tahay horumarka ay samaysay wasaaradda caafimaadka JSL, waxaanay tidhi "Mudadii koobneyd ee xukuumadda cusub hoggaanka dalka haysay waxa la sameeyey horumar dhinacyo badan taabanaya. Aniga oo ah wasiir kuxigeenka wasaaradda waan ku faraxsanahay in mudadaas wasaaraddu gaadhay tallaabooyin lagu horumarinayo caafimaadka Dalka.”

     
Loading...