Saddex kaama hadhaan ayaa la yidhi
Aroor ayaa aniga oo xiisad ka soobaxay, waxa aan tukaan dugsiga ku dhex yaalay ugu soo galay, wiil arday ahaa oo in muddo ah dugsiga ka maqnaa, markaas aan la kulmayna go’ huwan oo jidhkiisa dab sii bogsanayey ka muuqday.
Sidii wax ugu dhaceen iyo in uu gubtay markii uu ii sheegay, ayaa inta aan u duceeyey ka dhaqaaqay.
Waxa uu igu yidhi, waxani waa cuqubo aan galay!
Waxa uu yidhi, habeen iid ah, ayaa aan guriga soo galay, waxa aan arkay gogoshaydii oo bis ku jiifto. Inta aan kijada galay, ayaa aan middi dab shidnaa geliyey, markii ay caddaatay ayaa aan bisaddii oo gama’san ku dhejiyey, inta ay aad u ciday oo boodday ayey siligii makhsinka ka soo go’day.
Aroornimadii ayaa aan is idhi quraac samayso inta aan hurdada ku raagay, gurigiina keligay aan ku soo hadhay.
Shooladdii markii aan leetarkii aan ku shidayey ku qabtay, ayey qarax dayaantay. Waan gubtay dirqi ayaa la igaga badbaadiyey!
Waxa aan ku xasuustay, ninkan ma-yeedhaanka gubay sida uu aakhiro iyo adduunba halis ugu jiro.
Allaah waa caadil, xaakim ah.
Saddex kaama hadhaan ayaa la yidhi
Habaar waalid
Hansi gabdheed
Hadimo xoolaad.
Xayawaanku calafkoodayey ayay cunayaan, haddaad marka hore ilaashan
waydo, samir ayaa kula gudboon.
Waxa Qoray Axmed Yaasiin Dool
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!