Ka dib toddobaadyo cadaadis sii kordhaya lagu saaray in uu xilka ka dago, Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka Ra'iisul Wasaaraha Canada iyo hoggaanka Xisbiga Liberal ka ee Canada.
Iscasilaaddan waxay soo afjareysaa bog dheer oo siyaasadeed. Trudeau wuxuu xafiiska joogay tan iyo 2015, markaas oo uu xisbiga Liberal-ka dib ugu soo celiyay talada kadib muddo dheer oo siyaasadda ka maqnaa.
Trudeau ayaa sheegay inuu sii ahaan doono hoggaamiyaha illaa laga soo doorto hoggaamiye cusub oo Liberal ah.
Si kastaba, su'aalo badan ayaa horyaalla xisbiga, oo ay ku jiraan cidda xilka la wareegi doonta iyo sida ay ula tacaali doonaan doorashada federaalka ee soo socota. Haddaba, maxaa xiga?
Yaa leh hoggaaminta xisbiga Liberal ka?
Waxaa suurtagal ah in xubnaha xisbiga Liberal ay isku dayi doonaan inay hoggaamiye cusub u soo xulaan ka hor inta aan muddada hakinta baarlamaanka dhammaan, inkastoo aan weli la caddeyn sida hoggaamiyahaas loo dooran doono.
Caadiyan, hoggaamiyeyaasha xisbiyada federaalka ee Kanada waxaa lagu soo xulaa muddo afar ama shan bilood ah, iyada oo la maro hannaan rasmi ah oo shir hoggaamineed lagu qabto.
Isniintii, Trudeau wuxuu sheegay in hoggaamiyaha cusub lagu dooran doono "hab tartan adag, oo qaran oo ballaadhan." Isla markiiba, madaxweynaha xisbiga Liberal-ka, Sachit Mehra, ayaa sheegay in guddiga qaranka ee xisbiga uu toddobaadkan isugu imaan doonaan kulan si loo doorto hoggaamiye cusub.
Hadda ma jiro qof si cad ugu habboon inuu beddelo Trudeau, laakiin dhowr siyaasi oo caan ah oo ka tirsan Liberal-ka, oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Maaliyadda Chrystia Freeland, Wasiirka Gaadiidka Anita Anand, iyo madaxii bangiga dhexe ee hore Mark Carney, ayaa loo arkaa musharraxiin macquul ah.
Sidee Soomaalidu u arkaan?
Dalka Canada waxaa ku nool Soomaali badan ooh ab qaxootinnimo ku galayey dalkaas sannadiii u danbeeyey, halka qaarkoodna ay muddo dheer sii degganayeen dalkaas.
Soomaalida ayaana gaadhsiisan heer ay xilal ka qabteen dalkaas gaadhsiisan heer wasiir iyo xilalka metelaadaha ee gobolladooda.
Dadka Soomaalida ah ayaana u arka in culays siyaasiya uu keenay in xilka lumiyo.
"Iscasilaadda raysalwasaare Justin Trdue, waxaa lagu soo koobi karaa culayska xisbiga gudaha uga yimi oo qaarkood ay bannaanka la soo istaageen in uu xilka banneeyo" ayuu yidhi Xasan Faarax Shire oo si dhaw ula socoda xaalka siyaasadda ee Canada.
Dhanka kale, waxyaalaha uu qabtay ee Trudue aadka loogu ammaano ay ka mid tahay doorkiisii furfurnaanta ee soogalootiga oo si gaar ah Soomaaliduna ka mid tahay.
"Soomaalidu waxa ay ku xasuusan doonaan gargaarkiisii qaxootiga, xilli intuu uu xilka hayey ay dad badan soo galeen dalkan, waxaana u beddelay dawladdii ka horraysay oo u muuqatay mid cunsuriyad samaynaysa" ayuu yidhi Xasan Faarax.
Halka dhanka kale muddooyinkii u danbeeyey xaalka nololeed ee dadka reer Canada ayaa laga dayrinayey iyada oo sicirbararku sii baahayey.
"Waddanka waxaan joogaa laba sano, waxaanan la kulmay shaqo la'aan.Waxaa kale oo jira oo dawladdan lagu xasuusanayaa in guryaha kiradooda iyo cuntooyinkii ay qaali noqdeen" ayay BBC-da u sheegtay Fardawsa Cali oo ka mid ah dadka xaalka shaqo la'aanta Canada ay saamaysay.
Magaalooyinka Toronto iyo Edmonton ayaa ka mid ah magaalooyinka Canada ee ay Soomaalidu ka badan tahay.
Kanada waa inay qabataa doorashadeeda federaalka ee xigta ugu dambayn bisha Oktoobar, laakiin waxaa la filan karaa in codbixinta la qabto ka hor intaas.
Xisbiga mucaaradka rasmiga ah ee Conservative-ka, oo kaalinta koowaad kaga jira codbixinta ra'yiga shacabka ayaa leh hoggaan muddooyinkii u danbeeyey u soo jiiday cod badan.
Waa ninka lagu magacaabo Pierre Poilievre oo horkacaya xisbiga Consertive-ka, kaas oo sida ay caddaynayaan saadaalimaha la sameeyey haddii doorasho la aado noqon kara raysalwasaaraha soo aaddan ee Canada.