Maxaa keenay doorashada Canada in xilligeedii laga soo hormariyo, yaase loo saadaalinayaa inuu guuleysto?

Tuesday March 25, 2025 - 08:47:34
hadhwanaagnews
Haddaba maxaa keenay in doorashada xilligeedii laga soo hormariyo?



Raysal wasaaraha cusub ee Canada, Mark Carney, ayaa ku dhawaaqay doorasho degdeg ah, taas oo uu ku dooday in sabata uu u galayo ay tahay inuu helo kalsooni muddo xileed uu ku dagaalamo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo muddooyinkii u dambeeyay canshuuro ku soo rogayay dalka Canada.

 

Doorashadan ayaa sidoo kale imanaysa iyadoo uu Trump hore u sheegay inuu doonayo in Canada uu ka dhigayo gobolka 51-aad ee Mareykanka. Waxay sidoo kale ku soo aadeysaa sagaal maalmood ka dib markii Carney loo dhaariyay xilka raysal wasaaraha Canada ka dib is casilaadii Justin Trudeau. Doorashada ayaa loo asteeyay inay dhacdo 28-ka ee bisha April ee soo socota. Baarlamaanka dalkaas ayaa la kala diray waxaana bilowday ololaha doorashada oo markii hore lagu waday inay dhacdo bisha Octoobar ee sannadkan.

 

Haddaba maxaa keenay in doorashada xilligeedii laga soo hormariyo?

 

"Marwalbo sannadkan sannad doorasho ayuu u ahaa Canada marka sababta keentay waxaa waaye isbadalka yimid marka isbadalkaas ayaa waxay Mark Carney u sahaleysa inuu isleeyay hadaa ayaa waxaad heysataa taageero fiican marka la eego codbixyaasha oo aad ka gaarsiin kartaa," ayuu yiri barafisoor Afyare Cilmi oo ah Cilmi-baare sidoo kalena baree jaamacadda City ee magaalada Muqdisho.

 

Doorashada Canada waxaa u tartamayaa ilaa 7 xisbi waxaana ugu cadcad xisbiga talada haya ee Labral-ka iyo xisbiga mucaaradka ah ee Conservative-ka yaase loo saadaalinaya inuu ku soo baxo doorashadan.

 

Labadaba waa ay isgarab yaallaan oo xisbiga muxaafidka ah ee Labral- ka wuxuu haystaa ayaa la leeyahay ilaa 37.5 oo dadka laga qaaday warka ayaa yiri waan taageersanahay kan kale ee mucaaradkana waa 37 marka waa ay is garab yaallaan laakiin waxaa la yirahdaa marka ay sidaan isugu dhaw yihiin waxaa inta badan badiya kan Labral-ka oo waxaa kala duwan sida gobollada codadka looga dhiibto marka waxaa loo badinayaa inuu xisbigaas Labral soo baxo", ayuu yiri barafasoor Xuseen Warsame oo bare ka ah Jaamacadda Calgary ee Gobolka Albeerta oo BBC-da la hadlay.

 

Inta badan dadka soo galootiga ah oo ay Soomaalida ka mid yihiin waxay aad ula dhacsan yihiin oo ay jecel yihiin inuu guuleysto xisbiga haatan talada haya ee Labral-ka. Haddaba maxaa keenaya jacaylkaas oo ay ku qabaan xisbigaas oo aysan ku qabin xisbiga kale.

 

"Dad badan oo ay Soomaali ku jiraan ayaa inta badan waxay taageeraan xisbiga Labral-ka oo ay hadda ay is leeyihiin haday meesha ka baxaan dhibaato baa iman doonto waana run oo haddii uu meesha ka baxo xoogahaa dhibaato baa iman doonto sababtoo ah xisbiga mucaaradka waxa uu doonaya inuu yareeyo kharashaadka ay dowladda ku kharash gareynaysay dadka dan yarta ah sidoo kalana uu goyn doono mucaawinadii dibadda ay Canada ku bixineysay,'' ayuu yiri barafisoor Xuseen Warsame.

Dhanka kale Cabdullaahi Faarax Barre oo ka mid ah shacabka deggan Canada ayaa BBC u sheegay in Soomaalida ay labada Xisbi u kala qeybsan yihiin laakiin hadda ay intooda badan taageersan yihiin Xisbiga Labral-ka.

 

Hase yeeshee waxaa jirta Soomaali qaar oo taageersan xisbiga mucaaradka ee Conservative-ka oo dhammaan Soomaalida ma wada taageersano xisbiga Labral-ka oo xitaa waxaa jirta Soomaali ka sharraxan xisbiga mucaaradka oo markii hore loo badinayay inuu ku guuleysanayaan doorashada hase yeeshee sida uu qabo barafisoor Afyare Cilmi waxaa xisbiga Labral-ka fursad siiyay Trump.

 

"Maalintii uu Trump qabsaday Mareykanka oo yiri Canada 51 uga dhiganaya Mareykanka oo uu damacaas muujiyay ayay halmar xaaladdu is rogtay oo nimankii qabriga agtiisa joogay ayay soo nooleysay oo Labral-ka ahaa ruuntiina taas ayaa guuhooda ah marka waa taariikh cusub in isbadal noocaas ah dhaco," ayuu yiri Afyare Cilmi.

 

Doorashadan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo dadka reer Canada ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha ah waxayna dadka reer Canada doonayaan hoggaamiye wax ka qabta dhibaatooyinkaas.

 

bbc/somali
     
Loading...