Erdogan oo Trump ku booriyay inuu tallaabo ka qaado qalalaasaha Iran iyo 1sr'iiil

Monday June 16, 2025 - 08:08:58
hadhwanaagnews
Erdogan ayaa soo dhoweeyay hadalkii ugu dambeeyay


Madaxweynaha Turkiga iyo dhiggiisa Mareykanka ayaa si toos ah uga wada hadlay khilaafka u dhexeeya Iran iyo 1sr’iiil, sida uu sheegay xafiiska Erdogan.

Erdogan ayaa soo dhoweeyay hadalkii ugu dambeeyay ee Trump ee ku saabsanaa suurtagalnimada nabad laga dhex abuuro Iran iyo 1sr’iiil, wuxuuna ku booriyay madaxweynaha Mareykanka inuu si degdeg ah u qaado tallaabooyin looga hortagayo musiibo "gubi karta guud ahaan gobolka."

Wuxuu sidoo kale sheegay in Turkiga uu diyaar u yahay inuu ka ciyaaro doorka dhexdhexaadinta si loo xalliyo khilaafka ka taagan barnaamijka nukliyeerka Iran.
     
Loading...