7-kun oo tallaabo maalintii waxay dhimi kartaa khataraha caafimaad

Sunday July 27, 2025 - 09:49:52
hadhwanaagnews
Cilmibaarista oo lagu daabacay wargeyska caafimaadka ee Lancet



In aad socotid 7,000 maalintii waxay kor u qaadi kartaa awoodaada maskaxeed, waxayna kaa caawineysaa in ay ka hortagto cuduro kala duwan oo badan sidaasina waxaa lagu sheegay cilmibaaris.

 

In la qaado 7-kun oo tallaabo waa wax macquul ah marka la fiiriyo 10-kun taas oo inta badan loo arko in ay tahay hal beeg la gaaro.

 

Cilmibaarista oo lagu daabacay wargeyska caafimaadka ee Lancet waxaa lagu ogaaday in ay yareyneyso dhibaatooyin caafimaad sida kansarka, asaasaqa iyo cudurada wadnaha.

 

Natiijooyinka ayaa dad badan ku dhiirogelinaya in ay la scodaan tallaabooyinkooda si ay kor ugu qaadaan caafimaadkooda sida cilmibaarayaashu sheegeen.

 

"Waxaan qabnay aragtida ah in aan qaadno 10,000 oo tallaabo maalintii," ayey tiri Dr. Melody Ding.

Toban kun oo tallaabo qiyaastii waa sideed kiilomigtir. Masaafada saxda ah ee qof kasta isku mid ma ahan, waxay ku xiran tahay dhirirka, jinsiga iyo xawaaraha socodka. Dadka socodka dheereeya waxaay qaadaan tallaabooyin ballaaran.

 

In la qaado 10kun oo tallaabo waxay soo bilaabatay sanadkii 1960-kii markaas oo Japan looga ololeeyay. Olombikadii 1964-tii waxaa la qaaday olole kale oo loogu magacdaeray 'manpo-kei' kaas oo macnihiisu yahay 10-kun oo tallaabo.

 

Dr Ding waxa ay sheegay in tirada 10-ka kun si khaldan loo adeegsaday, waxayna noqotay cabir aan sax aheyn iyadoo barnaamijyo badan oo jirdhiska ku taliyaan in la adeegsado.

 

Cilmibaarista Lancet waxay faahfaahisay cilmibaaristii hore iyo xogta caafimaad iyo macluulmaadka dad ka badan 160-kun oo adduunka oo dhan ah.

 

Dad socday 2-kun ayaa la barbardhigay kuwa socday 7-kun oo tallaabo. Kuwa socday 7-kun ayaa la ogaaday in ay ka yareysay khataraha sida:

 

Cudurada wadnaha 25 % ayey yareysay.

 

Kansarka waxay hoos u dhigtay 6%

 

Asaasaqa waxay hoos u dhigtay 38% iyo 22% xanuunada niyadjabka.

 

Cilmibaarayaasha waxay sheegeen in tirooyinka qaarkood aysan ka saxsaneyn kuwa kale maadama laga qaaday tiro aad u yar.

 

Cilmibaarista waxay soo jeedineysaa tallaabooyinka ugu yar sida 4,000 maalintii hadii aad qaado in ay caafimaadkaaga kor u qaadeyso marka la barbardhigo mid ka sii yar sida ilaa iyo 2,000.

 

'Ujeedka waa in aad socotaa'

Jon Stride wuxuu sheegay in uu dhaafay qiyaastan isagoo inta badan gaara ilaa iyo 16,000 oo tallaabo maalintii. Wuxuu BBC-da u sheegay in uusan daneyneyn tirada.

 

"Ujeedka waa in aad baxdaa, faa'idada caafimaadkeena maskaxda iyo caafimaadkeena kale waa wax weyn balse uma fududa in lagu qiimeeyo tallaabooyin la tiriyay".

 

64-jirkan wuxuu bilaabay in maalin kasta uu socda kaddib markii uu wadno xanuun ku dhacay sanadkii 2022-kii, waxaa ku dhiirogeliyay sodogii oo sidoo kale wadno xanuun uu ku dhacay markii uu da'adaas jiray.

 

John wuxuu sheegay in taleefoonkiisa uu tiriyo tallaabooyinka uu qaado maalin kasta taasna ay siisay hiigsi iyo sidoo kale faa'idooyin caafimaad.

Nidaamyada jimicsiga intooda badan waxay diirada saaraan waqtiga ay qaadato ee ma xisaabiyaan tirada tallaabada. Tusaale ahaan hay'ada caafimaadka adduunka, WHO, waxay sheegtaa in looga baahan yahay dadka waa weyn in ay sameeyaan ugu yaraan 150 daqiiqo oo jimicsi ah ama 75 daqiiqo oo ah jimicsi xooggan toddobaad kasta.

 

Dr Ding waxa ay sheegay in taladan ay mararka qaar ku adag tahay dadka in ay fahmaan balse ujeedka habkan weli waa wax fiican.

 

"Waxa jira dad dabaasha, kuwa baaskiilka wada ama kuwa naafo ah oo tallaabooyin qaadi karin" ayey tiri Dr. Ding oo sidoo kale ku talisay tallaabooyinka caadiga ay dadka qaadaan in ay tahay mid kale oo dheeri ah.

 

Dr Daniel Bailey oo ka tirsan jaamacada Brunel ee magaaladan London ayaa sheegay in daraasada ay ka hor'imaaneyso tallaabooyinka 10-ka kun ay aaminsan yihiin dadka in la sameeyo.

 

In kastoo 10-kun ay tahay hiigsi ku haboon kuwa aadka u firfircoon hadana in laga dhigto hal-beeg 5,000 ilaa iyo 7,000 ay tahay wax la gaari karo oo macquul u ah dad kale oo badan.

 

Dr Andrew Scott oo bare sare ka ah jaamacada Portsmouth ayaa aaminsan in tirada saxda aysan muhiim aheyn.

 

Wuxuu sheegay "in badan ayaa markasta fiican' mana ahan in dadka ka welwelaan sidii ay ku gaari lahaayeen bartilmaameedka gaar ahaan maalmahan aadan wax badan sameyn karin.

 

Azeem Majeed oo ah dhakhtar iyo borofeesar jaamacada Imperial College London ayaa sheegay in dadka waa weyn ama kuwa xanuunada daran qaba in tallaabooyin yar xitaa ay wax u tareyso.

 

Wuxuu kaloo sheegay, inkastoo uu socodka sida guud yahay jimicsi fudud hadana dadka qaba wadno xanuunka iyo xanuunada kale sida kan sambabaha aad ayuu ugu adag yahay.

 

Dhakhtarka wuxuu sheegay in qabashada howlaha guriga sida nadaafada ay qeyb ka noqon karaan jimicsiga maalin kasta.

 

     
Loading...