Madaxweynaha Maraykanka ayaa dhankiisa ka biyo diiday
Raysal wasaaraha Ingiriiska, Stamar oo ku sugan dalka Kanada ayaa maanta sheegay in cunoqabatayn cusub uu kusoo rogayo dalka Ruushka isagoo ku eedeeyay in madaxweynaha Ruushku hor taagan yahay nabad ka dhaqan gasha Yukreyn.
Hadalkan kasoo yeedhay raysal wasaaraha ingiriiska waxa uu ka danbeeyay markii ciidamada Ruushku duqeyn dhinaca gantaalaha ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku duqeeyeen caasimada yukreyn ee Kiif, iyagoo halkaasi ku dilay ilaa 14 qof halka ay dhismayaal badana dhulka la simeen.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa dhankiisa ka biyo diiday in cunaqabatn dheeraad ah lagu soo rogo Ruushka isagoo ku tilmaamay in arrintaasi qiimo badan oo bilyanad doolar ah ku kacayso ee loo baahan yahay in heshiis dhex maro Yuikryn iyo Ruushka.
Geesta kale raysal wasaaraha Kanada Maarak Korni ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay in ay khalad aheyd in dawlada ruushka laga saaro dawladaha G 7