Munaasabadda mag-qaadashada waxaa goob-joog ka ahaa guddida
Labadii Ardaa ee Walaalaha ahaa oo si rasmi ah u kala Qaatay Magtii u horaysay
Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, ayaa maanta marqaati ka noqotay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda, kadib markii labadii ardaa ee walaalaha ahaa ee dhawaan heshiiskooda lagu dhammeeyay degmadaas ay si rasmi ah u kala qaateen magtii ugu horreysay ee ka mid ah go’aamadii nabadaynta.
Munaasabadda mag-qaadashada waxaa goob-joog ka ahaa guddida fulinta go’aamada nabadaynta Ceel-afweyn, maamulka gobolka Sanaag, maamulka degmada Ceel-afweyn, iyo waxgarad ka kala socday labada dhinac.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa biseyl siyaasadeed iyo dadaal dhab ah oo lagu dhisayo kalsooni, nabad iyo wada-noolaansho waarta.