DEG DEG Safirka Lacagta Somaliland oo Hoos u Dhac Wayni ku Yimid + Baanka Dhexe oo Xal u la, iyo Qiimahii ugu Sareeyay oo uu Maanta Gaadhay

Wednesday September 18, 2024 - 12:21:15
hadhwanaag
Waxaanu baahinayay Baanku in boqolka doolar

May be an image of 1 person, money and text

Hoos u dhac wayn ayaa ku yimid Sarifka lacagta Somaliland iyadoo markii horeba qiimo beel ahayd.

Maalmahii u dambeeyay ayaa maalinba maalinta ka dambaysa uu kor u kacayay sarifka Boqolka Doolar,


 iyadoo maanta lagu sarifayo boqolkii doolar (Hal milyan iyo lix kun) iyadoo meelaha qaarna uu gaadhay sidda sariflayaasha Baanka dhexe joogaa ay ku sarifayaa ( Hal milyan iyo toban kun )


Baanka dhexe ee Somaliland ayaa u taag la, Sarifka xadhkaha goostay, waxaana baanku maalin walba uu soo saaraa warqad uu dadwaynaha ugu sheegayo halka sarifka boqolka doolar marayo.


Baanka dhexe ee Somaliland ayaa todobaadyadanba baahinayay qiime aan waxba ka hoosayn ka suuqa laga sarifayo,


Waxaanu baahinayay Baanku in boqolka doolar lagu kala sarifanayo lacag dhan (Sagaal boqol iyo Soddon kun)


Muddo dhawr sanno ah ayaa sarifka lacagta doolarku aanu dhaafin in boqolka doolar lagu sarifosiddeed boqol iyo konton kun.


Lama saadaalin karo in uu halkiisii ku soo noqon karo, waxaase sariflayaasha aanu xidhiidhka la samaynay ay noo sheegeen in ay ka cabsi qabaan in uu sii kordho sarifka doolarku, taasina ay keento qiima dhaca shilinka Somaliland,


Guddoomiyaha Baanka Somaliland iyo Agaasimaha guud oo aanu isku daynay in aan la xidhiidhno ayaanay noo suurto galin.

     
Loading...