Booliska Somaliland oo 34 sano oo kadib yeeshay Cisbitaal caafimaad oo u Gaar ah

Thursday December 26, 2024 - 11:23:05
Hadhwanaag
Dhammaan adeegyadan ayaa ahaa kuwo ay ciidanku baahi weyn...



Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 34 sano kadib yeeshay Cisbitaal caafimaad oo gaar u noqonaya daawaynta iyo daryeelka Ciidanka Booliska Somaliland.

 

 

Cisbitaalkan oo si weyn loo qalabeeyey ayaa Ciidanka Booliska Somaliland ka caawin doona Adeegyadii caafimaad ee goobaha gaarka loo leeyahay ee lacagaha ah u tagi jireen.

 

 

Cisbitaalkan ayaa adeegyada uu ciidanka u qaban doono waxaa ka mid ah Dawaynta Cudurada Guud, Daaweynta, Lafaha, Indhaha, Neerfaha iyo Waadhkii Bukaannada.

 

 

Dhammaan adeegyadan ayaa ahaa kuwo ay ciidanku baahi weyn u qabeen, oo ay kaga bixi jirtay lacago badan, balse hadda ay ka helayaan adeegyadii caafimaadka oo bilaash ah xaruntani, taasi oo ka turjumaysay horumarka ay ku talaabsadeen taliska Booliska Somaliland iyo sida ay xil isaga saarayaan caafimaadka Ciidanka Booliska.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa sheegay in xaruntani caafimaad ee ciidanka Boolisku ay u Adeegi doonta dhamaan ciidanka, waxaanu xusay inay ka kooban tahay qaybo kala duwan sida qaybta Lafaha, qaybta Indhaha iyo qaybo kale oo ay ka mid yihiin qayta xanuunada guud, xarunta ayaa ay diyaar ku noqonayaan dhamaan adeegayaashii caafimaadka ee u adeegi lahaa Ciidanka Booliska.

 

 

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in dhismaha xaruntan caafimaad ee Boolisku ay leedahay qaybo kale oo ay ka mid yihiin dhismihii shirarka iyo xafladaha lagu qabanayay oo si casri ah loo qalabeeyay iyo qaybo kale.

 

 

Gebo’gabadii xaruntan caafimaad ayaa la filayaa inay wax wayn ka tarto adeegyada caafimaad ee ay baahida wayn u qabeen ciidanka Booliska Somaliland kaaso oo ay ka raadsan jireen goobaha gaarka loo leeyahay oo laga yaabo inay ku dhib qabeen.

     
Loading...