Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qaramaynta ciidanka madaniga..
Boqor Buurmadow ayaa saaka soo gaadhay magaalada Ceerigaabo, halkaas oo uu shir kula yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qaramaynta ciidanka madaniga ah ee maalmahan dambe kusoo biiray ciidamada qaranka Somaliland.
Boqorka ayaa lagu wadaa in marka uu shirka ka baxo uu dib ugu laabto magaalada Ceel-Afwayn, halkaas oo la filayo in dhawaan laga bilaabo wajiga xiga ee qaramaynta ciidamada madaniga ah.