Xukuumada Somaliland Oo Qarameysay Qeybtii Ugu Horeysay Ciidanka Madaniga Ah

Saturday March 01, 2025 - 17:51:56
hadhwanaagnews
Dawladda wadda jir iyo wax-qabad iyadoo fullinaysay ballan-qaadkii



Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftiga u hoggaaminaayo ee safarka shaqo u joogay maal-mihii u dambeeyey Gobolka Sanaag ayaa maanta goob-joog ka noqdey oo ka qayb-galay munaasabad ballaadhanoo ahayd mid lagu qaramaynaayey qaybtii u horaysay ee Ciidaanka madaniga iyo gadiidkoodii dagaal.


Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Somaliland ayaa ciidamada u qaabiley si kal furran, waxaanay u sheegaan inay kamid yihiin saacada laga bilaabo Ciidanka Qaranka JSL.


Dawladda wadda jir iyo wax-qabad iyadoo fullinaysay ballan-qaadkii hore ee ahaa inay qaramayn doonta ciidamada madaniga ah, waxaanay maanta la qarameeyey wajigii koobaad ee Ciidamadaas, iyadoo maal-maha soo socda la qarameyan doonno cutub-yo kale oo kamid noqon doona ciidanka Qaranka JSL.

May be an image of 8 people, jeep and text
May be an image of 7 people and text
May be an image of 6 people and text
May be an image of 10 people
May be an image of 4 people and text
May be an image of 6 people and dais
May be an image of 5 people
May be an image of 4 people
     
Loading...