DEG DEG Afar Boqol oo ka mid ah Ciidanka Madanaga ah ee G36 oo lagu Qarameeyey Qori-Lugud

Saturday April 19, 2025 - 10:47:23
hadhwanaagnews
Wasiir Afgaab oo hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey Odayaasha...



Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Guusto Nimcaan Yuusuf Ibraahim Gaaxnuug ou uu weheliyo Wasiirka Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa Shalay kula wareegay deegaanka Qorilugud Ciidan gaadhaya 400 oo askari kuwaas oo ka tirsan Ciidanka madaniga ee G36.

Goobta ay ka dhacday qaramaynta Ciidanka madaniga ayaa waxa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nimcaan Gaaxnuug, Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cismaan Afgaab, Xildhibaano, oday dhaqameed iyo Waxgaradka iyo Aqoon yahan ka soo jeeda Beesha Ciidanka madaniga wareejinaysay.

Qaar ka mid ah Cuqaasha dhaqanka ee beesha Ciidanka madaniga wareejinaysa oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in waftiga dawlada ka socda ku wareejinayaan ciidan tiradoodu dhan tahay 400 kuwaas oo deegaanka Qori lagud kaga jiray difaaca qaranka balse hada laga bilaabo ay ku wareejiyeen Taliyaha Ciidanka qaranka si ay uga mid noqdaan ciidanka qaranka Somaliland.

Wasiir Afgaab oo hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey Odayaasha dhaqanka ee Ciidanka madamiga ah ku wareejinaysay isla markaana waxa uu sheegay in ay su buuxda ula wareegeen Ciidabkaasi isla markaana hada wixii ka dambeeya ay noqon ciidan ka mid ah ciidanka qaranka lana xuquuq ah ciidamada kale ee qaranka dhamaan xuquux doona ku leeyihiin dawlada Somaliland.

Gabagabadii Waxa Ciidanka iyo gaadiid koodiiba la wareegay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxuug, isagoo dhamkiisa Xusay hada wixii ka dambeeya Ciidankan madaniga ah ee o hore loo odhan jiray G36 hada wixii kadambeeya magacoodu uu noqon doono Ciidanka Qaranka isla markaana ay ka amar qaadan doonaan Taliska Ciidanka qaranka Tababar, Mushaar iyo dhamaan xuquuqaad koodana ay ku yeelan doonaan Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland.

     
Loading...