Gogosha Nabada ee Madaxweynaha JSL: Fursad Taariikhi ah oo lagu Heli Karo Nabad Waarta iyo Midnimo Qaran

Saturday July 19, 2025 - 12:10:41
hadhwanaagnews
Dhawaaqa ka soo yeedhay Isimada iyo waxgaradka gobolka Sanaag



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo si xeel dheer uga warqaba xaaladda nololeed ee gobolka Sanaag, ayaa fidiyey gogol nabadeed oo lagu xoojinayo wada noolaanshaha iyo walaaltinimada bulshada gobolka. Tallaabadan ayaa ah mid ku saleysan mas’uuliyadda qaran ee ilaalinta nabadda, midnimada iyo xasilloonida guud ee dalka, taas oo lagu qaban doono xarunta gobolka Sanaa gee Ceerigaabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu si geesinimo leh u qaaday tallaabo siyaasadeed oo ku dhisan hannaan qaranimo, kadib gogosha nabadda ee uu fidiyay, isaga oo kaashanaya aragti-hoggaamineed iyo faham xeel-dheer, dulqaad iyo damiir masuuliyadeed oo sare. Beesha Warsangeli oo ah mid ka mid ah beelaha ugu taariikhda dheer, uguna saameynta badan gobolka Sanaag, ayaa si qiimo leh u soo dhoweysay baaqaasi, taas oo ah isbeddel muhiim ah oo loo qaaday tubtada nabadda iyo wada-noolaanshaha gobolka Sanaag iyo guud ahaan Somaliland.

Isimada Gobolka Sanaag oo Taageeradda Gogosha Nabadda:

Dhawaaqa ka soo yeedhay Isimada iyo waxgaradka gobolka Sanaag wuxuu si cad u muujinayaa midho-dhalka tallaabada diblomaasiyadeed ee uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Madax-dhaqameedka ku shiray magaalada Badhan waxay si hufan u muujiyeen diyaar-garowgooda ku aaddan garab-istaagga gogosha nabadeed ee uu madaxweynuhu dhigay, taas oo ah hannaan ku dhisan is-qancin, kalsooni-dhis, iyo wada-hadal toos ah oo ka fog dan gaar ah balse ujeeddadiisu tahay maslaxadda guud ee gobolka iyo tan qaranka.

Go’aankaasi wuxuu astaan u yahay in dariiqa nabadeed ee uu jeexay Madaxweynaha Somaliland uu yahay mid loo maray hab xambaarsan xilkasnimo, dulqaad siyaasadeed iyo aragti fog oo qaranimo. Isimadu waxay horseed u noqonayaan furitaanka bog cusub oo ku saleysan wada-jir, midnimo bulsho, iyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed oo waarta.

Isku-tashiga Bulshada iyo Gogosha Nabadda:

Gogoshan nabadeed waxay fursad u siinaysaa dhammaan beelaha walaalaha ah ee wada-dega Sanaag in ay si toos ah u wada xaajoodaan, ugana wada hadlaan wixii tabashooyin iyo khilaafaad ah ee jira, iyada oo la adeegsanayo hab-dhaqameed caddaalad iyo garsoor suuban ku dhisan. Golaha Odayaasha dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, iyo Dhalinyarada gobolka ayaa dhammaantood lagu marti qaaday in ay ka qayb qaataan dedaalada nabadaynta, taasi oo muujinaysa in nabaddu ay tahay himilada koobaad ee xukuumadda wajair iyo waxqabad, sidoo kalena ay tahay hawl wadajir ah oo u baahan ka qaybgal iyo xilkasnimo bulsho.

Tiirarka Nabadgelyada iyo Horumarka

Qodobada afar-geesoodka ah ee ku cad war-saxaafadeedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cadiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxay diiradda saarayaan:

  1. Ilaalinta nabadda iyo midnimada: Iyada oo laga duulayo in dhammaan qaybaha bulshada ee gobolka Sanaag ay mid kastaaba xil iska saarto sugidda amniga guud iyo weliba wadajirka bulshada.
  2. Wada xaajood iyo isu tanaasul: Khilaaf kasta waa in lagu xaliyo hab wada-hadal ah oo laga fogaanayo rabshadaha iyo kala qaybsanaanta.
  3. Garsoor suuban: Tabashooyinka iyo muranada hore waa in lagu dhammeeyo caddaalad iyo isu dheelitirnaansho, si loo helo xal waara.
  4. Taageerada dowladda: Xukuumadda Somaliland ayaa muujisay in ay mar walba garab taagan tahay dedaaladda nabadaynta, isla markaana ay u hurayso kheyraad iyo dhaqaale kasta oo loo baahdo, si ay u hano-qaado nabad waarta oo ka dhalata gobolkaas.

Fursad Dib-u-dhis iyo Midnimo

Gogoshan nabadeed, waa fursad dahabi ah oo dib u dhis iyo is-afgarad u horseedi karta dadka gobolka Sanaag. Waxay xoojinaysaa kalsoonida ku dhisan wadajirka qaran, sidoo kalena waxay ka hortageysaa in khilaafyadu ay ugu dambayn saamayn ku yeeshaan amniga iyo horumarka gobolka. Bulshooyinka degaanka ayaa hadda fursad u helaya in dib loo dhiso kalsoonidii bulshada dhexdooda.

Doorka Bulshada iyo Dowladda

Si ay gogoshan nabadeed u noqdo mid midho dhal ah, waxaa looga baahan yahay: Ka qaybgal bulsho oo dhab ah oo dhanka culimada, odayaasha, dhalinyarada iyo haweenka ah; Taageero joogto ah oo dowladda dhexe iyo hay’adaha amniga ah; Kormeer iyo qiimeyn hufan si loo hubiyo in xalalkii la gaadhay ay u noqdaan kuwo si dhab ah u dhaqan galay; Kobcinta fursadaha horumarineed ee gobolka, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, si nabaddu u noqoto mid shaqsiyadeed iyo mid bulsho-ba.

Gabagabo

Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro wuxuu gogoshan nabadeed u dhigay Sanaag si uu u muujiyo in nabada iyo wada noolaanshuhu yihiin tiirarka horumarka Somaliland. Haddii dhammaan daneeyayaashu ay ka faa’iidaystaan fursaddan, waxaa suuragal ah in gobolka Sanaag uu noqdo tusaale ku dayasho mudan oo midnimo, is-afgarad iyo xasillooni u horseeda guud ahaan Jamhuuriyadda. Gogoshan nabadeed ma aha kaliya xalin khilaaf, balse waa aasaaska dib u dhiska nabadda iyo barwaaqada. Nabadgelyada iyo wadajirku waa waddada kaliya ee lagu gaadhi karo himilooyinkeenna qaran.

     
Loading...