Xukuumadda Somaliland,ayaa si adag u cambaaraysay xasuuq ba,an oo ciidamada liyuu booliska ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka gaysteen deegaanka Dacawalay.
Waxaanay Xukuumadda Somaliland sheegtay in arrinkaa ka wada hadleen oo ay gaadhsiiyeen dawladda Federaalka Itoobiya isla markaana ay is arki doonaan maanta dawladaha Somaliland iyo Itoobiya..
War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha Somaliland oo Xukuumaddu kaga hadashay dagaal dad shacab ah lagu laayay shalay deegaanka dacawalay isla markaana xubno madaxdhaqameed ah oo ka soo jeeda Somaliland oo degaankaas u tegay nabadayn lagu afduubay,ayaa u dhignaa sidan.
"Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hannaanka Dawladnimo.
Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.
Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri(manta) wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.”