Wasaaradda Ganacsiga oo Hay'ad Caalami ah kala Shirtay Horumarinta Dalxiiska Somaliland

Saturday May 10, 2025 - 09:06:10
hadhwanaagnews
Dhankooda, wakiilada Cheetah Conservation Fund ayaa soo bandhigay



Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Cheetah Conservation Fund Dr. Laurie Marker, oo ah hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa illaalinta hareemacadka, iyo horumarinta deegaanka.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashi ku saabsan horumarinta waaxda dalxiiska, iyo illaalinta deegaanka.

 

Intii uu socday kulanku, mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa la wadaagay Dr. Laurie xog faahfaahsan oo ku saabsan hawlaha waaxda dalxiiska, istiraatiijiyadda muddada dhaw iyo doorka ay ka qaadan karto kor u qaadista Dalxiiska.

 

Dhankooda, wakiilada Cheetah Conservation Fund ayaa soo bandhigay mashaariicdii ay dalka ka fuliyeen sanadihii u dambeeyay, iyagoo xusay guulaha laga gaadhay iyo caqabadaha ay la kulmeen.

 

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga, iyaga oo isku raacay in la horumariyo arrimaha la xidhiidha deegaanka iyo dalxiiska waara (eco-tourism).

     
Loading...