Madaxweynaha Somaliland oo Qaabiley Wefti Ballaadhan oo ka Socday Dalalka Kenya iyo Itoobiya

Thursday September 19, 2024 - 09:23:20
hadhwanaagnews
Baarlamaanka Kenya iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta..


Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka kooban xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socda dalalka Kenya iyo Ethiopia oo dalka u jooga shir Caalamiya oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland oo ujeedadiisu ahayd dhiirigelinta haweenka iyo khibrad wanaaga arrimaha haweenka.

 

Ugu horrayn madaxweynaha Somaliland oo weftiga ku soo dhaweeyey dalka ayaa uga waramay marxaladihii dalkani soo maray iyo halka uu wakhtigan marayo oo ku yimi dedaal qaran oo ay ka midho dhaliyeen dawladihii xukunka u kala danbeeyey iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ah kuwo marwalba barbartaagan Dawladooda ilaashadana madax-bannaanida Qaran-nimadooda.

 

Weftiguna waxa ay madaxweynaha iyo shacbiga Somalilandba uga mahadnaqeen sida milgaha iyo sharafta leh ee ay ugu soo dhaweeyeen Dalka, waxaanay la dhaceen kana hadleen horumarka dhinacyada kala duwan leh ee dalku ku tallaabsaday.

 

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland oo ka kooban Wasiir Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor), Wasiir ku xigeen Marwo Yurub Abiib Cabdi, Agaasimaha Guud MudaneAxmed Xasan Aw Aadan, Xildhibaan Fu’aad Axmed Diiriye iyo Muuna Ciise Mahad.

 

Dhinaca weftiguna waxay kala ahaayeen Senator Hamida Ali Kibwana oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Kenya, Xildhibaanada kala ah Faadumo Cali, Ummulkheir Kassim, Ngelechei Caroline Jeptoo oo ka mida Baarlamaanka Kenya iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Jinsiga iyo Dhallaanka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Marwo Ubax Cabdiraxmaan.


     
Loading...