Todobo Sano Oo Dhibaato Weyn Ah Baa Kusoo Foolle Somaliland Hadduu Muse Soo Noqdo.

Thursday September 19, 2024 - 14:08:17
Hadhwanaag
inay Faysal lacag yar u dhiibaan oo dad raadso ku yidhaahdaan....



Allah wuxuu caqliga inoo siiyey inaynu fikiro, Quraankuna in badan buu isdul taagay in Binu Adamku inuufikiro oo Waxa u xun iyo waxa u wannaagsan kala garto inkastoo shaydaanna joogo dunida oo isaguna calafku leeyahay dunida. U fiirsada kuwa hoggaanka u ah iyo kuwa ay isticmaalaan markay shacabka been u sheegayaan. Ragga hoos ku qoran bal dib u milicsada todobadii sano ee aynu soo dhaafnay waxay ku hadlayeen iyo ficiladoodii oo duuban oo meel walba taal oon la mahadin iyo been aan wax laga rumaysto lahayn.

Muse Biixi. Ina Kaahin, Daba Gale , Nuux Taani, Faysal A Waraabe, Xinnif, Buuni, Suleiman Gaal Iyo Qaar Kaloo Badan.

 

Shacabkii doortay Muse ee qaldamay isna u sheegay fartooda eedi doonaan oo gobol kasta leh, maalintay ninikii khabiirka caalamiga ahaa ee Mohamed Biixi Yonis oo in ka badan afartan sano Qaramada midoobay caalamkoo dhan qaxoontiyada iyo baahida, dagaalada kala soo sheeqeeyey ay Muse Biixi oon habeen shaqo wacan dad u qaban ka doorateen reer Kulmiyaw ayaa shaydaan ka adeegay waxaa ka dhashay xumaan dagaalo kumaankun qaxa Somaliland oo is weyday iyo Muse iyo Ina Kaahin oo Somaliland ka dhigtay Jabhad u shaqaysa Siyaasadda khaarajiga ee ETHIOPIA Somalia ka dhigatay cadawgay la dagaalanto ilaa Xabashidu ka saxeexday inay kaga yeedhsiiso xabashi baanu nahay , Baddiina u saxeexday.

Waxaa soo socda inuu faraa kula jiro Muse Biixi iyo Ina kaahin dhawr qodob:

 

1- inay kaadhab badan iibsadan oo gubaan oo ah shacabka Wadani u foodaya

2- inay Faysal lacag yar u dhiibaan oo dad raadso ku yidhaahdaan.

3- inay Komishanka doorashooyinka ku daraan gudidii Habarjeclo oo iyagu ku dhawaaqayo inuu Muse ku guulaystay oo beena.

 

4- in Hargeysa iyo Burco xarumaha Wadani ciidan lagu soo daayo rassaas dabada u qabta si loo kala firxado , Wadani bay u taal arintaa siduu uga gaashaamanayo.

 

5- in Ceerigaabo, Caynabo iyo Borame dad kicin iyo dagaal iyo kacdoono gacan ku rimis ah laga bilaabo. Waxaa iyo wax ka daran bay Muse Iyo Ina Kaahin Faraa Kula Jiraan.

 

Hadday Waxay Wadanka Ka Wadaan U Suurto Gasho Hubaal Somaliland Way Burburaysaa Dibna Way U Adagtay Inay U Samaysanto.

 

Ethiopia Somaliland Oo Burburta Dan Bay U Aragtaa Iyada Iyo Immaaraadka Iyo Dawladaa Daaha Ugu Jiraa Sida Isreal Oo Badda Cas Rabta Baabal Mandab Iyada Iyo Ethiopia. Masarna Seddex Shaybay Siyaasadeeda Khaarajigu Weligeed U Istraajiyad Ahayd Oo Nolosha Dadka Masaaridu Ku Qotomaan Waa A) Webiga Niil

B) Canal Suez

C) Badda Cas.


 

Hadduu Muse Walaaqo Doorashada Oo Annaa Helay Yidhaa Sannaawaad Cadaaba Ayaa Somaliland Kusoo Foolle.

 

Wa Billaah

Tawfiiq

 

Qoraa M Bashe.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...