Somaliland Oo Ku Dambaysay Inay Noqotay Jabhad Ethiopia U Samaysatay Somalia.

Tuesday September 17, 2024 - 08:06:28
Hadhwanaagtv
Beenaale Markhaatigiisuu Fogeeyaa. Buurmadaw Saw Muu



Casrigan Africa Maraysaa Waa Casrigii Dawladaha Africa Ay Siyaasaddahooda Debeddu Wadanba Waddanka Ay Wax Isku Hayaan Ay Jabhad U Samaynayeen SI Wadankaa Dagaal Ku Qaado Oo Laciifiso. Aritaasi Si Wacan Bay U Shaqaysay Waayo Wadamadu Weli Qabaailo Ayey Ka Kooban Yihiin Isku Lidiya Oo Marka Ladoono La Hubeeyo. Ethiopia Somalia Bay Ku Riday Jabhado, Sudan Jabhado Ayey U Samaysay Ethiopia Oo Ku Ridday. Callaa Kulli Xaal SIYAASADDA Ethiopia Ee Debeddu Isma Beddesho Sida Ta Soomalida Maaha , Waa Dawladda Ugu Qadiimisan Wax Kasta Oo Qoomiyadaheeda Ka Dhex Dhaca Aan Wadaninimadu Ka Suulayn Laakiin Somalidu Wadaniyiin Maaha Waa Qabaliyiin Fakhri Iyo Aqoondaro Ragaadisay Waana DampersDhaan Raacday Siyaasadda Debedda Ee Somalidu. Waxay Moodayaan Markay Maamulo Heleen Inay Wadamo Yihiin Iyo Federal La Mida Ka Maraynka Ka Oo Kale Iyo Ka Ethiopia Oo Kale Ee Magaca Uun Baa Ka Dhexeeya Inta Cirka Iyo Dhulku Isu Jiraan Bay Isu Jiraan.

 

Dulucda Aan U Socdaa Waa Maamulka Somaliland, Maamulka Jubbaland, Maamulka Koonfur Galbeed Oo Iyagu Ah Jabhado Ay Hubaysay Ethiopia Una Taliso Puntland Waa La Mid Laakiin Weli Wey Is Qarisaa. Hadday Imika Dagaal Bilawmo Ku Qotoma Boobka Mou Ga Oo Meesha Ay Ku Socota Ay Todobaadkan Caddaysay Inuu Saylac Iyo Sacaadiin Iyo Afarta Gasiiradood Ee Yar Yar Ee U Dhaw Sacaadiin Gasiirado Qaali Ah Ayey Rabtaa Inay Qaadato, Waayo Somalidu Dhulkeeda Ma Taqaan Nin Walba Reerkoodu Intuu Deguu Yaqaan, Istaraatiyad Joogto Ah Oo Khaarajiya Weli Ma Laha Oon La Bedelikarin. Somaliland Xidhiidh Iska (Casual)Ah Bay La Lahyd Ethiopia Laakiin Waxaa U Rakibnaa Labada Kornayl Muse Iyo Ina Kaahin. Madaxweyne Siilaanyo Waxaa Caddaadis Xooga Saaray Tplf Oo Wadatay Muse Iyo Ina Kaahin Wixii Shaani Iyo Dagaal Ahaa Tplf Baa Waday ,Wuu Ku Xanuunsaday Arintaa Cadawga Ethiopia Iyo Labada Kornayl Wateen, Waxay Ku Kelifeen Inuu Muse Saaro Imikana Waxay Isku Halaynayaa Waa Ethiopia Askarta Ay Soo Tababartay Waa Inay Doorashada Boobaan Ama Najiitada Diidaan Sidii Masar Iyo Aljeeriyaba Ka Dhacday. Waxanoo Xabashibaan Raacsannay, Abaagidhe Lafta Nagaa Waa Arin Qotto Dheer.

 

Sool Waxii Dagaalka Loogu Boobay Tijaabo Lala Dagaal Gelayo Somolia Ayey Ahayd Oo Qabaailkal La Isu Hubaybayo Lana Kala Soocayo, Ka Sannaagna Waa La Mid Woxoo Dhami Xagga Ethiopia Ayey Somalida Kaga Socdaan.

 

Waxa Lala Yaabbanyey Ee Xaalad Abbuurka, Cayda Iyo Jiha Wareerinta Iyo Dad Aan Aqoon Lahayn Isku Xeerka Waa Raadgadasho Iyo Talo Ethiopia Ay U Dejisay. Qolada Propheyssors Sheegta Ee Reer Awdal Habeen May Jirin Waxay Kaga Dhegtay Beesha-Dhexe Wax La Yidhaa. Wax Beel Dhexe La Yidhaa Oo Wax Waddaa Ma Jiraan Dadku Siday U Dulmanyihiin Bay U Dulmayihiin Intay Isuboodadii Lixdankii Oon Jirin Dabasocdaan Isaaqa Aan Laba Reer Ahayn Ha Ku Xidhmaan , La Socda Lixdankkii Lama Joogo, Haddaa Boodaan Dabbaa Ku Dhacaysaan.

 

Beenaale Markhaatigiisuu Fogeeyaa. Buurmadaw Saw Muu Odhan Hj Wey Shiraysaa Waa Runtii ,Jeegaantii Oo Siyaasadda Khaarajiga Ee EthiopiaSamaysay Baa Dib Loo Bilaabayaa Buurmadaw Hadalkiisa Suga Waa Afhayeen Hj Ayuu Ku Metali Doona

La Socda Maamulka Somaliland Wuxuu Ku Shaqaaynayaa Siyaasadda Khaarajiga Ee Ethiopia, Jubbaland Iyo Koonfur Galbeed Iyo Puntland Ba Waa Isku Mid. Shucuubtu Si Qabbaail Bay Fikirayaan Waxa Socda Ma Fahansana.

 

La Socda Qaybta Labaad Siyaasadda Khaarajiga Ee Ethiopia Iyo Maamul Goboleedyada Somalida. Wax Ictiraaf La Yidhaa Ma Jiro Waa Dhul Iyo Bad Doon Ethiopia.

 

Qoraa M Bashe


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...