Maraykanka Oo Doorashada Somaliland War Ka Soo Saaray.

Wednesday November 20, 2024 - 02:14:12
Hadhwanaag
"Sida guddiga doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen waxaa sidoo kale soo baxay"



Mareykanka oo war qoraal ah ka soo saaray natiijadii ay guddiga doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen saaka ayaa shacabka Somaliland ugu hambalyeey doorashadii dhawaan dhacday.

 

Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayay sidoo kale hambalyo u direen.

 

Dhanka kale, waxa ay boogaadiyeen doorashooyinka iyo xil wareejinta u dhaca sida nabadda ah iyaga oo qoraalkooda ku xusay inay taasi tusaale u tahay gobolka.

 

Sida guddiga doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen waxaa sidoo kale soo baxay Waddani, Kulmiye iyo Kaah oo noqon doona Xisbiyada Somaliland sanooyinka soo socda.

 

Marka laga soo tago ururada siyaasadda ee doorashada ku haray, waxaana isna meesha ka baxay Xisbigii Ucid oo muddo ka jiray Somaliland, halka ay soo noqdeen labadii Xisbi ee Ucid uu saddaxda ku ahaan jiray waa Waddani iyo Kulmiye, iyadoo booskii Xisbiga Faysal Cali Waraabe uu hadda galay Kaah oo uu hoggaamiyo siyaasiga caanka ah ee Maxamuud Xaashi.


     
Loading...